Cali Mareexaanaw Miyaanay Qorshaha Kuugu Jirin Jidka Isku Xidha Hargaysa iyo Baligubadle Q.2aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cali Mareexaanaw Miyaanay Qorshaha Kuugu Jirin Jidka Isku Xidha Hargaysa iyo Baligubadle Q.2aad.
February 17, 2016 - Written by Wariye:

Baligubadle waxay ku taala xadka u dhaxeeya s/land iyo dalka Ethoipia waxayna 65km ka xigtaa dhinaca koonfureed caasimada hargaysa.

Waxaynu mudooyinkii u danbeeyey aynu warbaahinta kala duwan ka maqlayney in dawlada jarmalku inagu caawisay dhaqaale gaadhaya ilaa lix milyan oo laagu talo galay in lagu dayac tiro wadooyinka.

Hadaba hadii aan u soo noqdo dulucda maqaalkayga oo ah waa maxay qorshaha Cali mareexaan ee gobolka hawd.

Intaanad u daadagin ujeedada maqaalkayga marka hore aynu is weydiino Waa kuma Cali mareexaan?

Cali waa hogaamiye ku cusub siyaasada dalka dhawaana waxaa uu madaxweyne siinlaanyo u magacaabay wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta waana shakhsi aan wax badan ka aqoon gobolka hawd iyo caasimadiisa baligubadle

Intaa ka dib hadii aan wax yar ooga tilmaamo cali mareexaan baligubadle Waa magaalo noocee
ah ?

Baligubadle waxay ku taala xadka u dhaxeeya s/land iyo dalka Ethoipia waxayna 65km ka xigtaa dhinaca koonfureed caasimada hargaysa.

Juquraafi ahaana Waa magaalo ku taala meel istaraatiji ah Waana magaalo ku fiican dhaqashada xoolaha, iyo beeraha, waana magaalo mustaqbalka dhaw noqon karta xarun ganacsi Waa hadii la dhamaystiro jidka u dhaxeeya hargaysa iyo baligubadle.

Caliyaw waxaan kaloo kuugu dari lahaa in baligubadle ay tahay saldhigii dhaq_dhaqaaqii SNM.

Intaa hadii aan kaga baxo taariikhda gaaban ee gobolka hawd.

Waxaa iyana muhiim ah yaa ka masuula mashruuca dayac tirka wadooyinka soomaaliland?

Hadii aynu isku dayno waxaa ka masuul ah wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta oo uu masuul ka yahay Cali mareexaan oo aan odhan karo Waa shakhsi ku sifoobay in uu deegaanka uu ka soo jeedo wax u qabto deegaanada kalena ee wadankana aan isku hawlin.

Hadaba Cali mareexanaw waxaanu kaaga fadhinaa waxii aanu xaq kuugu lahayn oo aan wax gor_gortan ah laga gali doonin si aanu ugu qabyo tirno jidka laamiga ah ee u dhaxeeya hargaysa iyo baligubadle.

Waxaa aad furitaanka mashruuca ka sheegtay in wajiga koowaad ee mashruuca lagu qabyo tiro doono jidka u dhaxeeya hargaysa iyo alaybaday iyadoo aan la garanayn wax alaaliyo waxaad ugu xulatay ilaa hadana la isweydiinayo.

Jawaabta waxaa looga fadhiyaa Cali mareexaan.

Waxaa kaloo mudan in la is weydiiyo wajiga labaad ee mashruuca bal Waa loo wada joogaa caqliga Cali mareexaan halka uu u duwo wajiga labaad!!

Midna waxaan odhan lahaa xukuumadda in aanay waxii uu xaq ku lahaa gobolka hawd aanu wali helin.

Cali mareexaan mid baan odhan lahaa dalku maaha balidhiig iyo gar_adag…….

Eco: Abdi Rashiid Ali Jaamac ibnu giriig …0634108610

COMMENTS
LINKS