Bulsho Waynta Ku Dhaqan Magaalada Kalabaydh Ee Katirsan Gobolka Gabiley Oo Dalbaday In La Ansixiyo Degmadii Ay Xukuumadu u Balan Qaaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bulsho Waynta Ku Dhaqan Magaalada Kalabaydh Ee Katirsan Gobolka Gabiley Oo Dalbaday In La Ansixiyo Degmadii Ay Xukuumadu u Balan Qaaday.
February 16, 2016 - Written by Editor:

MUDANE MADAXWAYNE DEGMADA KALABAYDH DHAMAAN WAXAY BUUXISAY SHURUUDIHII LOOGA BAAHNAA KAMID NOQOSHADA DEGMOOYINKA GOBOLKA GABILEY.

kala baydh

GABILEY(Wajaalenews) Bulsha waynta ku dhaqan deegaanada hoos yimaad  Magaalada Kalabaydh ayaa ka dalbaday xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Axmed Silaanyo in loo ansixiyo Degmonimada Magaalada Kalabaydh Oo ka tirsan magaalooyinka waawayn ee Gobolka Gabilay. Cuqaal,waxgarad iyo aqoonyahanka bulshawaynta ku dhaqan magaaladaas oo la hadlayay warbaahinta ayaa baaqdheer u diray Xukuumada iyo kan gobolka Gabilayba,waxaanay sheegeen in magaaladoodu ka mid tahay magaalada labaad ee ugu wayn magaalooyinka uu ka kooban yahay gobolka Gabilay sidoo kalana  ay hoos yimaadaan 10 tuulo oo laga maamulo Kalabaydh sidaas darteedna waxay baaq dheer u direen madaxweyne siilaanyo oo ay ka codsanayaan in uu u ansixiyo degmonimadii uu u balan qaaday xiligii uu ololaha ku jiray ayay yidhaahdeen waxgarad kaasi.

Mar ay ka hadlayeen baaxada Magaalada Kalabaydh  iyo deeganada hoos yimaada ayay sheegeen in magaaladoodu bulsha ahaan,dhul ahaan iyo dhaqaala ahaanba u dhiganto magaalooyinka Wajaale iyo gabilay  tuulooyinka ugu badan gobolkana ay hoos yimaadaann balse ay ku dhex go,adoonsan yihiin labada maamul ee Gabilay iyo Wajaale sidaasi darteedna ay jiraan dad badan oo caqabad ku ah oo dhadhama raaca in loo magacaabo Degmo sidii uu hore ugu balan qaaday madaxweynuhu.

Ugu danbayntii waxa ay madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyeen in ay  bulshadu gabi ahaanba ka aradan tahay adeega arimaha bulshada sidoo kale xidhan yihiina xarumhii adeega arimaha bulshada waxaanay ku doodeen  wixii  loogu tala galayna in la geeyo magaalooyinka Gabilay iyo Wajaale go,adoona ay ku jiraan bulshada ku dhaqan deeganada Kalabaydh guud ahaanba waxaanay ka codsadeen maamulka gobolka,arimaha gudaha,xukuumada iyo cid kasta oo ay khusayso arintani in hoos loo eego xuquuqdooda iyaga oo xusay in ay jiraan tuulooyin loo magacaabay degmo oo ka kooban hal tuulo kaliyaata balse nasiib daro aanay helin iyagu xuquuqdoodii.

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OOFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS