|
|||||
WAJAALE NEWS
Boobe Yuusuf Ducaale Oo ka Dareen Celiyay Xilka Xubinimada Gudida Ictiraaf Raadinta Ee Uu Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabay .
February 20, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(W,n) Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Wadani Muj Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe Ayaa Madaxwaynaha jsl somaliland Axmed Siilaanyo Umagacaabay in uu kamid noqdo Gudida Ictiraaf Raadinta Somaliland oo ah Gudi Heer Qaran Ah, Hadaba mar ay shabakada wararka ee wajaalenews wax ka waydiisay sida uu u arko Magaaabista Uu Madaxwayne Siilaanyo u magacaabay kamid noqoshada gudidan ictiraaf raadinta ayaa wuxu kaga Dareen celiyay.
‘Horta Waan Maqlay in laygu daray gudi uu madaxwaynuhu u Magacaabay Arimaha ICTIRAAF RAADINTA Horena laygalama tashan magacaabistayda, balse markii aan la tashaday Inta Iigu Mudan ee la tashaday xisbigaygii lana Xidhiidhay Gudomiyihii Xisbiga , Gudiduna Ay Tahay mid ka Shaqaynaysa Dan Qaran Ee Aanay mid cid Gaara u Adeegaysa Waan Aqbalay kamid Noqoshadeeda, Xilkii Aan u hayay Xisbigayga iyo kamid Ahaan shihiina waa halkiisi oo wax iska kay badalay Ma jirto ayuu yidhi Muj Boobe Oo khadka telfonka ugu Waramayay Shabakada Wararka ee Wajaalenews.net Sikastaba ha ahaatee GUDIDAN ICTIRAAF RAADINTA OO AH GUDI HEER QARAN ayaa noqonaysa Gudiyadii uu Madaxwayne Siilaanyo Magacaabo Gididii ugu cuslayd taasi oo ay ka dhex muuqdaan Badi Aqoonyahanka Reer somaliland iyo inta lagu tilmaamo haldoorka dalka, sidoo kale gudidan ayaa ka duwan gudiyadii tiro dhaafay ee madaxwayne siilaanyo magaaabi jiray kuwaasi oo aan wax micno ah ku fadhiyay dhagaha bulshada reer somaliland ku batay. tanise waxay noqonaysaa gudi mudo badan bulshadu tabaysay.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Qodobada Ay ka Wada Hadleen Madaxwayne Biixi I... Tartanka Kubada Kolayga Haweenka oo Hargaysa Laga Furay iyo Wasiiro Xukuumada Ka Tirsan oo Ka Qayb g... “Hadii Aynu Siciid Iyo Daa,Uud Kala Nahayna, Anagu Kuma Raacsanin Dagaal la Qaado”Suldaan Maxamed ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|