AKHRI; Liiska Iyo Tirada Goobaha Halbowlayaasha Dhaqaale Ee Xukuumada Siilaanyo Wada Xaraashtay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AKHRI; Liiska Iyo Tirada Goobaha Halbowlayaasha Dhaqaale Ee Xukuumada Siilaanyo Wada Xaraashtay.
February 6, 2016 - Written by Editor:

Xukuumada Siilaanyo waxay xaalufisay oo dhoobo qaaday dhamaan halbowlayaashii dhaqaale ee dalka oo dhan oo magan leh, mooro leh oo muquuno leh, oo wershed leh oo suuq leh oo sariibad leh. Muwaadin nala wadaaga liiskan hoose oo ahaa dhitadii, dhaxalkii iyo dheeftii ummadda Somaliland oo dhami wada laheyd taas oo ay Xukuumada Siilaanyo ugu tagri fashay sifeyaal sharciga iyo dastuurlka dalka baal marsan, “Maadaama aan la naadin oo aan loo soo ban dhigin suuqa xorta ah si loo bidhingareeyo oo tar tan hufan oo xalaal ah loogu galo”

1- Wershadii Sibidhka ee Berbera

2- Wershadii Leydhka ee Hargeisa

3- Wershadii Leydhka ee Berbera

4- Haamihii Keydka Shidaalka ee Berbera

5- Netfishka Keydka kaluunka ee Berbera

6- Maktabada ama “Library” ga Gaandi ee Hargiesa

7- Kaalinta keydka shidaalka ee Dawlada Hoose hargeisa

8- Wasaarada Duulista Hawada ee Shacabka Hargiesa

9- Sariibada Koodbuur ee Hargeisa

10- Sariibada Octobar ee Hargiesa

11- Xeradda Ciidanka Taraafikada ee Hargeisa

12- Dhulkii Xabaalaha Daljirka Dahsoon ee Hargiesa

13- Xunta Womens Club ee Hargiesa

14- Leynka Poilce ka ee Hargeisa

15- Guryihii dawlada oo gaadhaaya ilaa iyo 520 guri

16- Xero dhiigta Hargeisa

17- Xanaanada Caruurta ee Hargeisa

18- Hadhqoodaarka Masaajidka Gobolka Hargiesa ee ka soo horjeedka xisaabaadka guud.

19- Buurta Siimoodi ee Degmada Baki oo shirkad Chines ah sife qarsoon oo gacan wadaag looga kireeyey.

20- Wajahada Tiyaatarka Hargeisa oo ahayd Parking kii Tiyaatarka iyo meheradaha ku dhexyaala oo la iibiyey.

Dhamaan liiskan sare oo wada ah Asadkii iyo ilihii dhaqaalaha ee dawlad lagu ahaa ayaa Xukuumada Siilaanyo ay midi-roortaysay, xaraashtay oo xaalufisay kuna wareejisay oo sheerer kula gashay shirkado dhinac ka raran iyo shaqsiyaad macaashdoon ah. Xukuumada Siilaanyo judhiiba markii ay haleeshay haaneedka dalka waxay horaadada u laba listay shaqsiyaad gaar ah iyo shirkado gaar ah. Maa daama aaney Xukuumadani lahayn ” Fairness, Respect, Equality and Excellent” oo gabalkeedu uu hada sii dhacaayo Waa in dhamaan shacabka reer Somaliland ilaashadaan hantida maguuraanka ah ee ummadda u dhaxaysa wixii ka sii nool. Waa in aaney yeelin mushtamacu in sife bilaa sharci ah oo danbe ay xukuumadu ku wareejiso Hantida maguuraanka ah ee qaranka shirkado iyo shaqsiyaad baruureystay oo doonaaya in badhi kale lagu sii shubo. Waa in aanay shacabku yeelin in fursadaha dhaqaalaha ee dalku uu ku ururo oo keliya koox yar oo dhereg dhaaftay oo marna shirkado sheegta marna shaqsiyaad sheegta.

Maanta waxaa dhacday in xukuumada jirtaa ay dhamaan wixii shuruuc iyo dastuur inoo yaalay ay kula dagaalanto oo ku dhooqeyso awood dawladeed oo ummaddii wada daalacatay. Danta guud ee qaranka Somaliland waxay ku jirtaa in wixii hadhay hantida maguuraanka ah ee ummadda meel looga soo wada jeesto oo laga badbaadiyo haaraanka iyo haraatida xukuumadan gabalkeedii sii dhacaayo ee aan xataa dhaafeyn hadhqoodaarada Masaajidada iyo iskuulada.

 

Alleh ayaa Mahad Leh,

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

COMMENTS
LINKS