|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Oo Xalay Gacanta Ku Dhigtay Caruur Hargeysa Laga Xaday Oo Kootarabaan Ahaan Looga Saarayay Dalka Iyo Baafin Saaran Haybtooda.
January 22, 2016 - Written by Editor:Caruurtan Oo Saddex Ah Ayaa Ka Ugu Roon Lagu Qiyaasay Shan Jir, Waxaana Isaga Oo Firka Naxsan Uu U Warramay Ciidammada Bilayska Laascaanood (W,N)- Ciidammada Ammaanka ee magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaannood ayaa xalay cawayskii gacanta ku dhigay baabuur ay saarnaayeen saddex carruur ah oo la weriyey in xatooyo lagaga kaxeeyey magaallada Hargeysa. Carruurtan oo da’ ahaan ka ugu weyn lagu qiyaasay shan sanno jir ayaa Warsugannews oo aanu warkan ka soo xiganay sheegtay in qaar ka mid ah dadweynaha magaalladu ay ciidammada ammaanka ku wargeliyeen caruurtan kadib markii ay dareen shaki leh ka muujiyeen ninkii watay baabuurkan caruurta lagu siday, waxaana markii la qabtay ay ciidanku su’aallo dareenkooda ku dhereran weydiiyeen caruurta, kuwaas oo ay kamid ahaayeen halka ay ka yimaadeen, waxaana saddexda ubad ah ka ugu rooni uu isaga oo anfariirsan ugu jawaabay ciidanka “waxaanu ka nimi Hargeysa”, balse intaa wax dhaafsiisan kuma ay darin halka ay Hargeysa ka degenaayeen iyo halka ay u socdaan toona. Ciidammada ayaa intaas kadib la wareegay baabuurkan iyo saddexda caruur ah ee ay sidey iyo wadihii baabuurkaba. Dhinaca kale warar aan la hubin ayaa tibaaxaya in ay jireen carruuro saddexan oo walaalo ah kuwaas oo dhawrkii habeen ee u dembeeyey ka maqnaa hoygooda oo ku yaalla xaafadda Xawaadle ee magaallada Hargeysa. Weriye ka tirsan Wargeyska HUBAAL ayaa xaqiijiyey xidhiidh baafin ah oo dadweynaha xaafadda Xawaadle qaar kamid ahi ay la soo sameeyeen iyaga oo ka codsaday in uu baafin la saaro caruurtan. Hase yeeshe ma cadda In la helay iyo in kale, waxaase wararkii ugu dembeeyey ee Wargeyska HUBAAL soo gaadhay ay intaa ku dareen in caruurtan laga la’yahay aqalkooda Xawaadle ay ahaayeen saddex walaalo ah oo agoon ah, isla markaana aan war iyo wacaal laga hayn halka ay tegeen iyo xaalladdooda toona, balse ay belef ku maqleen in dhinaca Boosaaso loo kaxaystay. Lama hubo in caruurtan xalay lagu qabtay magaallada laascaanood ay yihiin caruurahaas llaga xaday gurigooda Xawaadle ee Hargeysa, Hase yeeshee muddooyinkii u dembeeyey waxaa magaallad aHargeysa iyo guud ahaanba dalkan Somaliland ku soo badanayay xatooyadda caruuraha yaryar oo badanaa qaab kootarabaan ah looga xado magaallooyinka somaliland kuwaas oo qaar kamid lagu guulaystay in la helo iyaga oo lawato iyo iyaga oo keli ahba. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|