Xukuumada oo Bilowday Qorshaha Dalka lagaga Saarayo Dadka Ajaanibka ee sharci darada ku Jooga Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada oo Bilowday Qorshaha Dalka lagaga Saarayo Dadka Ajaanibka ee sharci darada ku Jooga Somaliland
January 19, 2016 - Written by Editor:

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo ka Hadlay Ajaanibka la Raafey.

Hargeysa (Wajaalenews) Xukuumada Somaliland ayaa maanta si rasmiya u bilowday in ay  raafto ama urruriso  dadka aan u dhalan Somaliland islamarkaana aan haysan baasaaboor sharciya oo ay ku joogaan dalka.

Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland oo adeegsanaysa ciidamada booliiska iyo kuwa laanta socdaalka ayaa saaka ka bilaabay  magaalada Hargeysa inay ururiyaan dadka aan u dhalan dalka islamarkaana aan haysan degenaansho sharciya oo ay dalka ku joogaan.

Xarunta laanta socdaal ee magaalada Hargeysa oo uu booqday Wariye ka tirsan Warbaahinta Himilo ayaa waxaa buuxdhaafiyay dadka ay ciidamada amaanku kasoo qabqabteen magaalada Hargeysa ee aan haysan Sharci, dalkana ku joogay sifo sharci daro.

Dadkan aan dalka ku dhalan ee ciidamada aamaanku soo raafeen ayaa lagu qiyaasay ilaa 300 oo qof oo iskugu jira, rag, Dumar, iyo caruur. Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa shaacisay in dalka laga mustaafurinayo dadkii aan haysan aqoonsiga Somaliland ama baasaaboor sharciya.

Geesta kale wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Warancade oo maanta saxaafada la hadlay waxaa uu sheegay in dadka dalka sharci darada ku jooga la ilaaliyo inta ay ka baxayaan Somaliland isagoo xusay 1 February ay u qabteen dadkaasi si ay dalka uga baxaan.

Ciidanka Laanta socdaalka ayaa la filayaa inay saacadaha soosocda ay dalka ka mustaafuriyaan dadkan saaka lasoo qabqabtay ee aan haysan sharci iyo baasaaboor.

 

 

COMMENTS
LINKS