Xukumadda Somaliland Oo Qisaas ku Fulisay Sedex Qof oo labo kamid ahi Isku Qoys Yihiin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumadda Somaliland Oo Qisaas ku Fulisay Sedex Qof oo labo kamid ahi Isku Qoys Yihiin.
January 17, 2016 - Written by Editor:

Mandheera(Wajaalenews) – deegaanka Mandheera ee gobolka saaxil waxaa saaka lagu toogtay Gabadh magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland ku dishay isla markaasna nolosha ku aastay qof dumar ah oo kale oo lagu magacaabi jiray Ruqiya Siciid ayaanle iyo wiil ay dhashay gabadha wax dishay oo falkaasi foolxun ku wehelinayay .

marxuumadii la dilay

Ciidanka Amaanka ayaa saaka goob Fagaare ah oo ay joogeen eheladda Ruqiya Siciid ayaanle ku toogtay gabadhaasi deegaanka Mandheera ee gobolka saaxil . sida uu warbaahinta qaar  u xaqiijiyay xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo yihiin marxuumad Ruqiya siciid Ayaanle .Sidoo kale Nin dilay Sarkaal Ciidanka ka tirsan ayaa dil Qisaas ah Lagu fuliyey isla saaka.

Haweenayda la dilay ayaa gurigeeda ku aastay marxuumad la sheegay inay dayn ku lahayd, waxaana falkaasi ku lug yeeshay ubad ay dhashay, iyadoo saddex caruurteeda ka mid ahi lagu helay dambiyo kala duwan oo dilka haweenayda ah. Wuxuu ahaa fal si weyn looga argagaxay islamarkaana ahaa mid fool xun oo bulshada fajac galiyay.

 

COMMENTS
LINKS