Xukumadda iyo Xisbigeeda Oo Qoomamaynaya Wareejintii Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera iyo Dheg Xumada Ka Soo Food Saartay Siyaasiyiinta Gobolka Saaxil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumadda iyo Xisbigeeda Oo Qoomamaynaya Wareejintii Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera iyo Dheg Xumada Ka Soo Food Saartay Siyaasiyiinta Gobolka Saaxil
January 8, 2016 - Written by Editor:

Berbera(Wajaalenews) Khilaaf cirka isku shareeray ayaa u dhexeeya shirkaddaha dhawaan uun xukumaddu ku wareejisay Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera iyo xukumadda Somaliland kadib markii shirkaddahaasi bahoobaysi madaxbannaan oo shirkad gaar loo leeyahay ah u maamusheen Haamaha Shidaalka.

cali dhagoole

Shirkaddaha ayaa gooyay lacago kab ahaa oo Haamuhu maadaama ay Berbera ku yaallaan adeegga bulshada lagaga kaabi jiray islamarkaana lacago la siin jiray Dugsiga Sheekh, Jaamacadda Cuulinta Badda iyo Ciyaartoyga gobolka, hase ahaatee shirkaddaha ayaa mid sharcigooda ka baxsan u arkay, kuna dooday in cidday caawinayso xukumaddu xaq u leedahay balse shirkaddu tahay mid gaar ah.

Guddoomiyaha Shirkadda maamulka Haamaha ku midaysan Cali Yaasiin Kooshin, ayaa waraysi uu habeen hore siiyay wargeyska Warsugan ku sheegay in shirkaddu tahay mid gaar ah(Private) xukumadduna ciddii ay caawinayso xaq u leedahay, balse lacagaha la jaray aanay shuruucda shirkadda waafaqsanayn. Wuxuu sidoo kale sheegay in heshiis lala galayo shaqaalaha iyadoo tayadooda aqooneed iyo khibraddoooda la eegayo.

Qorshahaasi shirkaddaha ayaa ka cadhaysiiyay xukumadda gaar ahaanna siyaasiyiinta siyaasadda Saaxil hagga. Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Warshadaha Somaliland Md Cali Axmed Maxamed(cali-dhegoole) oo Berbera arrimahan u jooga ayaa muujiyay in shirkadda maamusha Haamuhu u aragtay nin soo bookhday, sheegeena inaanay waxba ka khusayn lacagaha madaxtooyadu adeegga bulshada u qoondaysay.

Wasiir xigeenka oo xalay waraysi siinayay wargeyska Hubaal wuxuu sheegay in arrintani samcaddooda gobolka hoos u dhgitay “Waxa shaqaalaha  haamaha loo soo bandhigay qandaraas cusub, shaqaalahaasina markii hore dawladda ayey u shaqaynayeen oo xuquuqdii ay lahaayeen waa la siiyey, imikana waxa ay noqdeen shaqaale cid gaar ah u shaqeeye. Qandaraas cusub ee loo soo bandhigay qoddobo ku xusan baa cabasho ka timi oo ay leeyihiin wax aan xaq naloogu lahayn  baa ku jira.”ayuu yidhi Cali-dhegoole.

Wasiirka, ayaa waxa uu intaas ku daray,“waxa jira heshiis u dhexeeya wasaaradda ganacsiga iyo shirkadda BOG oo ah nimannka gacanta ku haya haamaha, waxaana jira qodobo dawladdu ku ilaalisay  shaqaalaha ama ay shirkaddu dad faro badan shaqada ka saarto, imikana waxa la isla eegayaa qoddobadii heshiiskaas ku yaallay, kuwa haatan qandaraaska ku yaalla iyo xeerka shaqaalaha rayidka ah, marka saddexdaas la isla eegana wixii deelqaaf ah waa in laga qabtaa.”

Waxa uu si gaar ah uga hadlay qodobo shaqaaluhu gooni uga cabanayaan, isagoo tilmaamay inaanay shirkadda qudheedu xad-gudub samayn karin“hal qoddob ay aad uga cabanayaan oo ah in shaqaalaha imtixaan laga qaadi doono ciddii imtixaankaas dhacdaa meesha ka bixi doonto, waase la isla eegayaa heshiisyadii jirey oo shirkadda qudheeda dabar baa loo sameeyey oo wixii ay doonaan iskama samayn karaan.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay inay xal-ka-gaadhista arrintaas u saareen guddi gaar ah, isagoo shirkadaha gacanta ku haya keydka shidaalka Berberana ku eedeeyey inay goosteen lacago haamuhu hore u siin jireen goobaha arrimaha bulshada u qaabilsan gobolka Saaxil, waxana uu yidhi, “guddi kooban baa arrinta loo saaray, waxaana jira arrimo shaqaalahaba ka badan oo ay kamid yihiin arrimaha bulshada sida, caafimaadka, waxbarashada iyo ciyaaraha oo ay haamuhu markii hore lacago siin jireen, odayaasha deegaankuna madaxtooyada way iska arkeen oo waxa ay sheegeen in maadaama haamaha shidaalku ku yaalliin Berbera laga rabo nimanka la wareegay inay bixiyaan lacagahaas.”

Wasiirku waxa uu cabasho ka muujiyey saamaynta go’aanka shirkadahaasi lacagihii ay gobolka siin jireen ku yeeshay siyaasiyiinta reer Saaxil, waxaana uu tilmaamay inay abuurayaan nabar Kulmiye ku yaalla oo aan waligii bogsanin,“Maanta haddii aanu nahay siyaasiyiinta gobolka arrintani waxa ay nagu keentay cadaadis iyo canaan faro badan oo la leeyahay wixii aad shalay wareejinayseen waxa daba socday waxa aad aragtaan, xisbi ahaanna waxanu u aragnaa arrin dadka naga soo horjeedaa ay doonayaan in dadka nalagaga kaxaysto oo boog hadhaw iyo nabarro naloo adeegsado oo hadhow la xoqo lanooga dhigo.”ayuu yidhi Wasiir Cali-dhegoole.

Wasiirku mar uu ka hadlayey sababta keentay amarka xadhiga ah ee uu duldhigay maamulka shirkadaha shidaalka  ee Berbera, waxa uu sheegay in shirkadduhu xukumadda quudhsadeen,“ Ismaan-dhaaf baa yimi, ninka Cali Yaasiin la yidhaahdo oo ah nin aanu isku qoys nahay marka uu ninku ku yidhaahdo wixii madaxtooyadu ballan qaadday wax naga quseeyaa ma jiraan, adigana uu kuu arko qof soo booqday dee markaa waa la xidhi karaa, haddana waxanu go’aansanay in inta la arrinta la isugu imanayo aanu iska dayno, amarkii aan xadhigiisa ku bixiyeyna waan ka noqday, taas macnaheeduse ma aha inaan ninka lacagta leh aan la xidhi karin.”

Wasiirka  oo aanu weydiinay dariiqa uu u maray farogelinta uu ku sameeyey muranka haamaha shidaalka Berbera xilli wasaaraddii ganacsiga ee arrintaas u xilsaarnayd aanay wali tallaabo qaadin, ayaa waxa uu ku jawaabay,“Dawladdu laba ma kala ahee waa hal dawlad oo kali ah, masuuliyiinta qarankuna way is meteli karaan, wasiir qaranka ah gobolkana kasoo jeeda Ayaan ahay, wasiirku meeshuu tago dawladda oo dhan buu metelaa, wixii cabasho ee uu ku arkona kaba sii daran, waayo dhibkii ka dhacaaba aniguu I khusaynayaa, sabab ii diidaysaana ma jirto.”

 

COMMENTS
LINKS