Xinif Isaguu Calool Jileecu Ka Reebay Ciidankiisi Uu Calanka Ugu Dheer La Hor-cararaayay, Shirkii Xisbiga KULMIYE-na Masaaraco Laguma Ciyaarayne Cidbaa Isugu Cumaamaday” Axmed Cigge Yare | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xinif Isaguu Calool Jileecu Ka Reebay Ciidankiisi Uu Calanka Ugu Dheer La Hor-cararaayay, Shirkii Xisbiga KULMIYE-na Masaaraco Laguma Ciyaarayne Cidbaa Isugu Cumaamaday” Axmed Cigge Yare
January 16, 2016 - Written by Editor:

“Saxiibkay Xinif Isagaa Hanti Maguurto Ah Ka Helay Xisbiga, Anigu 8-dii Qof Ee Ugu Horeeyay Aasaaskii  KULMIYE Ayaan Kamid Ahaa,  Hal Maalina Kuma Faanin Kumana Ciilqabo”. Siyaasi Axmed Cigge Yare.

Siyaasiga Axmed Cigge Yare oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, sidoo kale kamid ahaa 8-dii qof ee ugu horeeyay ee bilaabay aasaaskii  KULMIYE oo la unkay xagaagi 2002, oo hadda laga joogo 14-sanno, ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Cabdikariin Axmed Xinif  oo kamid ah xubnaha Waftiga uu hoggaaminaayo Murrashax Muuse Biixi, hadal kaas  oo ahaa in Muuse Biixi Cabdi rogtay xubnaha isbaahaysiga Xisbiga, kadibna ninkii Caloosha jilicsanaa uu cararay, waa siduu hadalka u dhigay Cabdikriin Xinif-e.

axmed cige

Siyaasi Axmed Cigge Yare oo sidoo kale kamid ah Siyaasiyiinta ku midoobay isibaahaysiga Dimuquraadi doonka KULMIYE ayaa  la soo xidhiidhay Wargayska Somalilandtoday isagoo dabajooga hadalkaas, wuxuuna yidhi.

“Waxaan jeclahay inaan hal qodb ka idhaahdo hadal ka soo yeedhay Saxiibkay Cabdikariin Xinif, oo aanu isku degaan ka soo jeedno (Bariga Burco) muddo dheerna kawada mid ahayn Xisbiga KULMIYE, anngoo labadayaduba ahayn 8-ruux ee ugu horeeyay ee degaan ahaan bilaabay aasaaskii Xisbiga, wakhtigaas oo ururo badani  dalka ka jireen waliba ay noogu darnayd marka degaan ahaan la eego ururkii ASAD oo Guddoomiye uu ka ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan kana horeeyay isagu dhalashadii KULMIYE, hadana wxaanu ahayn dadkii tirada  yaraa ee ilaa markaas iyo ilaa hadda Xisbiga kujiray, hawshiisa iyo dhammaan wixii doorasho uu soo galayna ka shaqaynaayay. Saxiibkay Xinif waxaanu kawada tirsanyn xubnihii qabay in hanankii Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi wax u doonaayay ay khalad ahayd, maadaama oo aanu xogogaal ahayn  muddo dheer  labadayaduba, Xisbigana uu noogu yimi Muuse Biixi.”

Axmed Ciige Yare oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi.”Xinif wuxuu ahaa ninka ugu xiinka badnaa  kooxdayada, oo isugu jirtay ragg Xukuumadda ku jiray iyo xubno Xisbiga kamid ah Golihiisa dhexe iyo madaxdiisaba sida labadayada (Xinif &Cigge). Wixii dhacay ku noqon maayo oo waa lawada ogaa, sidii xeerarkii Xisbiga u yaalay looga leexday, iyadoo laga caraaraayo in si xor ah loogu dhex tartamo. Ilaa hadda Xisbigii KULMIYE ayaanu nahay annagoo leh sharciyadii halagu noqdo haddii Midnimada Xisbiga la doonaayo, nimankayaga ilaa hadda sidaa qaba  mafilaayo in aanu Xisbiga burburkiisa ka shaqaynayno, cidda taas tidhahdana waa cid indhaha is qabanaysa, ninka ilaa hadda leh walaalow  wixii inaga dhaxeeyay dhulka dhig iyo ninka leh xoogbaan ku qaatat oo waad igu khasbantahay ee cirka soo guji, dee  ka Xisbiga duminaaya ama khasaarihiisa doonaya malaa way cadahay.

Balse  nasiib darro saxiibkay Cabdikariin Xinif wax is badalayba 360-bu xawaarihiisa kala leexiyay lakiin kamaan filayn hadalada ka soo baxay hadda Horta  Calool jileecu waaka Xinif ka reebay raggiisi uu calanka ugu dheer la hor cararaayay, kuwaas oo makay arkeen sidii gacan maroojiska ahayd ee aan Xisbiga loogu tudhayn dabada iska taagay, kuwaasba la dhihi karaa way Calool adkayeen, lakiin ninka raggaba isagoo ugu horeeya kala leexday isagaa Calool jilicsan, hadduu kuwaasna ugu horeeyay kuwana ugu horeeyo ma is haysadkii Xisbiga ayuunbay wax ugu jiree, anigu faan fahmin ilaa hadda.”

 

Ugu danbayntii Axmed Cigge Yare oo sii hadlaaya wuxuu yidhi. “Waxaan sidoo kale arkaayay Walalkay Xinif  oo xalay lahaa   KULMIYE waa hantidayda, horta anaa u furay inuu ka soo shaqeeyay Xisbiga muddo dheerna u soo xamaalayay sidaan anba ilaa hadda ilaa maalintaanu bilawnay hawshiisa ugu jiray, balse wuxuu yidhi Hadraawi. “Bal Ninkaad U Tahay Danay Iyo Xaaji Soo Degay, Saadaasha Kugu Daray, Isna Tiisa Daymood”. Xinif isaga hanti ma guurto ah ka helay Xisbiga KULMIYE shaqona ka helay yaanu Wasiirku jeclaa helinbe, anigoo aasaaskiisi ilaa hadda ku hawlana xil kama helin hal maalina kuma faanin cidna ugu dudimaayo cidna ugu tarsheegan maayo, waayo Xisbinimadu waa mabaadi iyo xeerar wax ku wadaagay, halkuu leeyahay Muuse Biixi wuu na rogtay oo waanu rogan kari weynay, dee Masaaraco lama ciyaarayne xeerar iyo sharcigii Xisbiga ayaa laysku hayay, cida shir weynihii afduubtayna sharci may eegin tartan may doonayn ee waa koox is cumaamaday”. Sidaa ayuu ku soo xidhay hadalkiisi Axmed Cigge Yare hadalkiisi.

 

 

COMMENTS
LINKS