Xildhibaanno Uu Maayarka Hargeysa Hoggaaminayey oo Dagaal Gacan ka Hadal Ahi ku Dhex Maray Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanno Uu Maayarka Hargeysa Hoggaaminayey oo Dagaal Gacan ka Hadal Ahi ku Dhex Maray Wajaale.
January 5, 2016 - Written by Editor:

Wajaale, (W,n) – Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltleko), ku-xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) iyo Xubno ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka Hargeysa, ayaa Shalay Magaalada Tog-wajaale kaga hor-tagay qayb kale oo ka mid ah Qalabka lagu dhiso Waddooyinka, kaas daba socda Qalab hore dhanka Itoobiya uga yimid Hargeysa.

XILDHIBAANO GACAN

Maayarka Hargeysa iyo ku-xigeenkiisa oo Wajaale u tagay inay soo galbiyaan Qalabka Dhismaha Waddooyinka ee Dawladda Hoose ee Caasimadda uga imanaya Itoobiya, ayaa markii ay Wajaale gaadheen Xildhibaannadii Golaha deegaanka ee la socday qaarkood is af-dhaafeen  isla-markaana uu dhex maray Dagaal gacan ka hadal ah sida qof goob jooge ahi u sheegay Wargeyska Himilo.

Xildhibaan Saleebaan Dogox iyo Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare oo ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa oo Weftiga Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka ka mid ahaa, ayaa la sheegay inay ku dhex dagaalameen Huteelka Central ee Wajaale oo Weftiga Maayarka Caasimaddu ka qadeeyay.

Warka, ayaa intaa ku daraya in dagaalka ka hor labada Xildhibaan hadallo kaftan is waydaarsadeen intii Weftigu Maayarku qadada cunayey, laakiin, kaftanka oo ka xumaaday awgeed ay gacanta iskula tageen isla-markaana in muddo ah Madaxa iskula jireen, ka dib markii Askar Huteelka ku sugnaa oo isku dayey inay kala qabtaan uu Maayar ku-xigeenku ka hor-joogsaday.

 

XIGASHO; HIMILOMEDIA

COMMENTS
LINKS