Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe Oo si Qotodheer U Sharaxay Caqabadaha Hortaagan Ansixinta Gobolnimada Gabiley Iyo Doorka Uu Ku Leeyahay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna G, Xisbiga Wadani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe Oo si Qotodheer U Sharaxay Caqabadaha Hortaagan Ansixinta Gobolnimada Gabiley Iyo Doorka Uu Ku Leeyahay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna G, Xisbiga Wadani.
January 1, 2016 - Written by Editor:

“ABTI. Maxamed Cabdilaahi Uurcadoow Waxaan ku leeyahay Maroodi Jeex Aday ku sugaysaa Xaqeediina Waxaa Hortaagan Gudoomiyahaaga”, Xildhibaan Ibraahim

HARGAYSA(W,N) Madaxdhaqameedka ,Aqoonyahan Iyo Guud ahaan Shacaba Gobolka Gabilay ayaa maalmihii udanbeeyay waxay aad uga hadalhayeen halka ay ku danbaysay Gobolnimadii gabiley cid hortaagan  ansixinta gobolnimada gabiley iyo sobobaha ay u socon laada,ay iyo aragtiyaha xisbiyada mucaaridka qaarkamida ka bixiyeen ayaa noqotay mid abuurtay jawiyo kala duwan.

xildhibaan ibraahim 22

Hadaba si aanu wax uga ogaano caqabadaha dhabta ee hortaagan Ansixinta gobolka gabiley ayaa waxanu waxka waydiinay Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo kamida mudanaayaasha golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland lagana soo doorto Gobolka Gabiley Kana tirsan xisbi xaakimka kulmiye wuxuna yidhi.

 

“Gobolnimada Gabiley waxaa  ku dhawaaqay Madaxwayne Daahir Riyaale  xiligii lagu jiray ololaha Doorashada madaxtinimo,waxaana lala magacaabay gobolo kale taasi oo run ahaan kamid ah caqabadaha ugu wayn ee hortaagan in la ansixiyo, waayo gobolada qaar ayaan isbixinayn Dhaqale ahaan  waxayna taasi u baahan tahay in si cilmiyaysan loo galo kala saarida iyo qiimaynta.

Hadii aan si qotodheer u sharaxo sida ugu fudud ee gobolimada gabiley loo ansixin karo oo iyadu  buuxiysay shuruudaha looga baahan yahay gobolnimada oo ah sedex qodob oo muhiima.

A, Dhaqaalaha

B, Cabirka iyo bedka gobolka

c,bulsho ahaan

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi, Intaasi qodob ayaa sal u ah in gobol loo gudbo intiina gabiley way buuxisay.

marka la eego caqabado badan oo jira waxaanu si waydiinay sidee ayay gabiley gobolnimadeedu ku hirgali kartaa iyadoon goboladii lala magacaabay iyo caqabadahooda aanay ku lumin xaqii reer gabiley Ulahaayeen gobolnimo. taasi way Noo  muuqataa waxaana jira xeerka Caasimada oo faa,iido way ugu jirto bulshada maroodijeex iyo gobolka gabileyba.

Xeerka Caasimada marka la ansixiyo shacabka Ku dhaqan Marooji Jeex waxay helayaan xaqoodii, gabileyna si toosa ayay u noqonaysaa gobol buuxa sida xeerka caasimadu dhigayo.

markale isagoo sharaxaya doorka ay ku leyihiin xildhibanada Reer Gabiley wuxu yidhi, Anagoo ah xildhibaanada gobolka gabiley kasoo jeeda marwalba waanu kusoo darnaa Ajandaha golaha xeerka caasimada, markastana waxaa ka reeba gudoomiyaha golaha wakiilada oo ah gudoomiyaha xisbiga wadani cabdiraxmaan cirro. oo  si badheedha ugu riixaa qodobka ugu danbeeya ajandaha sidaasi ayuuna wakhtiga iyo kalfadhiyadu uga dhamaadaan , marwalba!

markaa horta waxaan leeyahay cida hortaagan gobolnimada gabiley waa gudoomiyaha wadani oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada  xataa xaqii ay lahaayeen bulshada gobolka maroodijeex ayuu  lumiyay.

Takale waxaan maalmahan arkayay xubno kamida xisbiga wadani oo leh marka aanu ku guulaysano talada dalka ayaanu gobolnimo indin siinaynaa gabiley ahaan.

ABTIGAY. Maxamed Cabdilaahi Uurcadoow Waxaan ku leeyahay Maroodi Jeex Aday ku sugaysaa Xaqeediina Waxaa Hortaagan Gudoomiyahaaga, Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

 

COMMENTS
LINKS