Wax Qabadka Maayarka Burco Waa Mid Sida Qoraxda U Muuqda . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wax Qabadka Maayarka Burco Waa Mid Sida Qoraxda U Muuqda .
January 30, 2016 - Written by Wariye:

maxamed muraad mudadaa dadexda sano ah ee uu hogaaminayay golaha degaanka ma siinayo amaan aanu

Asc anigoo ka Mid ah ganacsatada magaalada burco waxaan kalkan ka cadaynayaa kana markhaati kacayaa in dawlada hoose ee degmada burco ee uu hogaamiyo maayar MAXAMED MURAAD
Ay ku talaabsatay waxqabadkii abid ugu balaadhnaa ee laga qabto magaalada burco hadaanu nahay shacabka magaalada burco waxaanu aaminsanahay inaanu magaalada burco waligii soo marin maayar la mid ah MAAYAR MURAAD si kale hadaan u dhigo maayaradii u kala danbeeyay magaalada burco intii Somaliland jirtay waxyaabihii ay qabteen hadii la isu wada geeyo waxaa ka badan intii uu qabtay maayar maxamed muraad mudadaa dadexda sano ah ee uu hogaaminayay golaha degaanka  ma siinayo amaan aanu mutaysan maayarku xaasha laakiin waa mid uu leeyahay hadaan usoo gonda dego waxna ka tilmaamo

waxyaabaha ka hir galay magaalada hadaan soo qaato xafiisyada dawlada hoose shaqada ka docota runtii markii hore waxay ahaan jireen meel umadu dhib fara badan kala kulanto shaqaalaha dawlada hoose ayaa ahaanjiray kuwo aan xafiisyadaba iman oo iska maqan hadii mulkiyad ama waraaqi kaaga xidhanto waxay kugu kalifaysay inaad suuqa ka raadiso isla markaana lacag siiso mudona kugu qaadato intii Mr.MURAAD xilka qabtay waxay noqdeen meel umada loogu adeego kana jirto nidaam iyo dardar shaqo waana la mahadiyay waxaa kale oo loo iibiyay gaadiid badan oo ku dhaw sodan oo ay leedahay dawlada hoose kuwaasoo isugu jira cagafyo iska rogooyin wiishash iyo gaadiid yar yar oo lagu ururiyo cashuuraha xaga wadooyinka waxaa ka hir galay ugu yaraan toban laami oo cusub oo aan hore u jirin ta ugu yarina tahay hal kiilo mitir isla markaana tayo leh iyo waliba wadooyinkii hore oo lagu sameeyay tayactir baaxadleh intaa waxaa dheer laydhka cadceeda ku shaqeeya ee lagu xidhay shaaracyada oo runtii aad kuusoo jiidanaya anigoo aan ka gayoonayn horumarka xaga wadooyinka ah waxaan odhan karaa magaaladu xaga wadooyinka marka la dhamaystiro kuwa hadda gacanta lagu hayo boqolkiiba sideetan waa laga faraxashay baahidii jidadka intaa hadaan ku dhaafo una leexdo xaga nadaafada magaalada iyadana isbedel muuqda ayaa laga qabtay mana arkaysid qashin meelaha yaala iska daa qashin ee xataa waxan indhayga ku arkaa habeen walba kooxo laamiyada ciida ka xaadhaya oo iskoobe marinay runtii aniga oo aan soo koobi karin waxqbadka muuqda ee ay ku talaabsatay waxaa iyadun wax lagu farxo ah baabur basas ah oo loo iibiyay inay guraan ardayda xaafadaha fogfog ee magaalada sida aadan saleebaan koosaar cali xuseen yiroowe i w m runtii waxqabadkaa aan sheegay iyo inbadan oo kaleba waxaa qabtay golaha degaanka burco si gaar ahna waxaa ugu Suntan maayar maxamed muraad waayo xubnihii kale ee golaha degaanku waxay noqdeen badidoodu kuwo ilaaway dadkii soo doortay marka laga reebo XIL. MAXAMED TUURTUUR oo ah xildhibaan daacadnimo ugu adeega umada reer burco isla markaana ah nin meesha u yimi inuu dadka u shaqeeyo ee aanu ka shaqaysan iyo laba ilaa sadex kale intii kale waxay noqdeen kuwo halkii ay ahayd inay umada u shaqeeyaan noqday kuwo mashquuliya xafiiskii maayarka kana fekeraya sidii ay guryo u dhisan lahaayeen maalinta ay dantooda ka waayaan maayarkana ku hanjaba waanu ku ridaynaa kuwa noocaas ahna waxaan leeyahay nin kasta taariikhadu way qoraysaa hadii la noolaado HEES BAA AHAYD NINA DHUUNIBUU KUU DHEX JOOGAA NINA DhAQASHUU KUUGU DHABAR JABAY waxaa kale oo runtii aan la yaabay qaar ka mid ah dadka reer burco oo maalin dhawayd warbaahinta eedayn u mariyay maayarka kuna eedeeyay inuu wadooyinkii magaalada mar qudha wada bilaabay isla markaana magaaladii kala xidhay arintaas aniga iyo inta ila midka ahiba waanu la yaabnay waxaanu u aragnay inay diidan yihiin wax qabadka haduu mar wada bilaabay maayarku jidadka magaalada goorma ayuu wax qabadkii noqday eed waxaan kusoo afjarayaa kuna guubaabinayaa maayar muraad maayar haka niyad Jabin horumarka magaalada ee halkaa kasii wad hadaanu nahay shacabka reer burcon waanu ku barbar taaganahay
ALAA MAHADLEH
CILMI JAAMAC CAWED
TEK.. 0634437999
E-mail cilmijaamac@hotmail.com

COMMENTS
LINKS