|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Oo kormeer Shaqo Ugu Baxay Gobolada Saaxil Iyo Togdheer
January 9, 2016 - Written by Editor:Burco(Wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Mud. Shucayb Maxamed Muuse ayaa safar shaqo ugu anbabaxay gobolada saaxil iyo Togdheer.safarkan oo ay ku wehelinayaan qaar kamid ah masuuliyiinta wasaarada warshadaha ayaa ah safar shaqo oo ay ugu kuurgalayaan xaaladaha wax soosaar ee goboladan khaasatan dhinaca warshadaha. Safarkan shaqo ee wasiirka ayaa ujeedadiisu tahay sidii loogu kuur gali lahaa xaaladaha warshadlayda dal Somaliland sidoo kale safarka ayaa wuxu kusoo dhagax dhigi doonaa dhisme wasaarada warshaduhu ku yeelanayso gobolka togdheer wasiirka oo intii aanu u bixin safarkan ka xog waramay ayaa sheegay in safarkani qaadan doono dhawr maalmood sifiicana ay ugu kuurgali doonaan dhamaan warshadaha ka hawlgala labadan gobol isaga oo wasiirku sheegay in ay dhawaan tagi doonaan gobolada kale sidoo kale wasiir ayaa u kuur gali doona habka ay wax usoo saaraan iyo awooda warshadaha si loo kobciyo dhaqaalaha dalku u baahan yahay. Xeerka kala xadaynta warshdaha Somaliland ayaa la filayaa in dhawaan ay diyaariso wasaarada warshaduhu kaasi oo baahi wayn loo qabo mudadii uu joogay wasiir shucayb wasaarada warshadaha ayaa laga dareemayaa dardar galin iyo sidii loo dhiiri galin lahaa warshadlayda dal waxaana la filayaa in ay wax wayn kusoo kordhin doonto guud ahaan warshadaha kala duwan ee ku filiqsan gobolada dalka.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|