Wasiirka Beeraha jsl oo si Badheedha U Hor Istaagay Ceel biyood Gala Qodayay Deegaanka Waalid Xoor Oo Kamida Gobolka Gabiley, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Beeraha jsl oo si Badheedha U Hor Istaagay Ceel biyood Gala Qodayay Deegaanka Waalid Xoor Oo Kamida Gobolka Gabiley,
January 5, 2016 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Aw Daahir ayaa si badheedha u hor istaagay riig biyood ay wasaarada khayraadka biyaha somaliland ka qodasay meel kammid ah deegaanka kulmiya degmooyinka Alaybaday iyo geed baladhaan, taas oo cadho galisay dadka ku nool deegaankaasi oo baahi badan u qabay qodista ceelashan oo laga yagleelayay meelo oomane ah.

Deegaanadan ceelasha laga qodayay oo ah Tuulada Waalid Xoor  oo ka tirsan deegaanada hoos  yimaada gobolka gabiley

Arinta uu wasiirku ku hor istaagay ayaan si rasmiya loo ogayn sobobaha keenay balse wararka aanu ka helayno ayaa tibaaxay in wasiirka beeruhu ku dooday in  aanaynay halkan  dagin  jufadiisa hoose,

Wasiirka ayaa sida warar xogogaal ahi xaqiijiyeen doodaya in riigan laga qodo meel kale oo sida la sheegay ay degto jufadiisu.

dhanka kale masuuliyiinta wasaarada biyaha ayaa la sheegay in ay ku adkaysteen in aan marbada deegankan laga wareejinay ceel biyoodka looqodayo iyagoo  ku dooday in ay hore laqaaday saminta iyo baahi ceel biyoodkan bulshada ahlkan degtaa ay u qabto

Wasiirka beeraha ayaa mudooyinkii u danbeeyay lagu eedaynayay in uu kala qaybin wayn ka dhex wado dadka ku dhaqan gobolka gabiley iyo deegaanada Alaybaday oo tiraba dhawr jeer uu ka leexiyay masharriico ay kamid ahaayeen raashinkii loogu talagalay abaartii dhawaan ku dhacday deegaanadaasi iyo mashaariico kale oo ay ugu talagashay dawlada dhexe degaanadaas kuwaas oo uu u leexiyay dhinaca deegaankiisa ee ay dagaan jufadiisu taas oo dhabar jab ku ah masuuliyada qaranka uu u hayo.

sidoo kale wasiir maxamed aw daahir ayaa dhowr jeer oo uu ka hadlay warbaahinta maxaliga ah dibada soo dhigay  arimo dhawr ah oo kamid ah sirta hoose ee dawlada uu ka mid yahay,

si kastaba ha ahaatee dadwaynaha ku dhaqan deegaanada hoos yimaada Allaybaday iyo geedbalaadh ayaan hore uga baran masuuliyiintii hore ee kaga jiray xukuumada kala qaybinta iyo kala jufaysiga uu ku kacay masuulkani taasi oo hadii uu talaabo ka qaadi waayo madaxweyne siilaanyo keeni karta kala fogaansho iyo qabyaalad ka dhex abuuranta dadwaynhaas walaalaha ah ee kuwada dhaqan deegaanadaasi.

COMMENTS
LINKS