|
|||||
WAJAALE NEWS
War DEG DEG AH; Madaxweynaha jsl Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabid ku Sameeyey Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Iyo Agaasimihii Guud Ee W,Madaxtooyada.
January 3, 2016 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3758/012016 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ku xigeenkiisa. Halka Taliyihii hore iyo Taliye ku xigeenkiisiina la bedelay. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In G/Dhexe, Axmed Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. In Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. UJEEDDO: BEDDEL Ku: G/sare, Axmed Cali Maygaag Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL Og: Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland Ku: Dhamme, Cabdi Cismaan Ducaale Taliye Ku-xigeenkii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL Og: Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudaneyaal, Waxaan idinku mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka beddelo xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen G/dhexe, Axmed Daahir Cali oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland inay mas’uuliyiintaa u magacaaban xilal ku habboon darajadooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3757/012016 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii guud ee madaxtooyada sidoo kalena waxa uu magacaabay Agaasime Cusub. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee JSL;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso; Markuu Ku Qancay: In ay hanan karto, aqoon iyo kartina u leedahay jagadan; Wuxuu go’aansaday In Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis Ku: Mudane, Xasan Cabdi Madar Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Mudane, Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. ALLAA MAHAD LEH Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) Related posts:Liiska Dadka Qaadhaanka Ugu Yaboohay Fanaan Cabdinaasir Macalin Caydiid Oo La Shaaciyay Iyo Madaxtoo... Qaramada Midoobay Oo Saadaalinaysa In Colaadda Suuriya Oo Sii Socotaa Yurub Ku Keenayso Qaxoonti La ... TPLF Oo Ka Hadashay Dagaalo Ay Maalmihii Udanbeeyay Kula Jireen Dawlada Itoobiya, Kuna Hanjabay Qabs... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|