UNHCR Oo Shaacisay Tirada Dembiyo Loo Geystay Qaxootiga Yemen Ee Jooga Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
UNHCR Oo Shaacisay Tirada Dembiyo Loo Geystay Qaxootiga Yemen Ee Jooga Somaliland.
January 12, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)- Miriam Aertker ayaa shaaca ka qaaday in kiisas gaadhaya 60 oo la xidhiidha qaxootiga Yemen eek u sugan Somaliland soo gaadhaan xaruntooda usbuuc walba.

Miriam Aertker oo hay’adda UNHCR u qaabilsan Ilaalinta ayaa sheegtay in ilaa bishii saddexaad ee sannadkii hore 2015 xafiiskooda hargeysa soo gaadheen kiisas gaadhaya 33 xanuun halis ah, 29 kiis oo la xidhiidha dembiyada laga galo dumarka.

“Xitaa, kooxo wada shaqeyn la leh UNHCR iyo hay’adaha kale ayaa degdeg noola soo socodsiiya, halka kiisaska qaar na weydaartaan, gaar ahaan qaxootiga aan ka soo degin goobaha xeebaha ee xafiisyada soo dhoweynta aanu ku leenahay.” Ayey sheegtay Aertker. Iyadoo raacisay.

“Taasoo macnaheedu yahay, inaanan warbixno siin, sidaa darteed waxay halis u yihiin halis laga faa’iidaysto, marka ay soo gaadhaan magaalooyinka waaweyn way adag tahay in laga sooco dadka.”

Marka laga reebo, qaxootiga Yemen, Somaliland ayaa martigelisay 9,000 kun qaxooti Itoobiyaan ah iyo kuwo dalbanaya, iyo 2,900 kun Soomaali ku laabtay guryahooda iyo 84 kun barakacayaal ah.

 

COMMENTS
LINKS