Ujeedada Safar ;Badhasaabka Gobolka Gabilay iyo xubno kamida Garabka Isbahaysiga Kulmiye ku Tageen Magaalada Togwajaale Iyo Dareenada ku Xeeran, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ujeedada Safar ;Badhasaabka Gobolka Gabilay iyo xubno kamida Garabka Isbahaysiga Kulmiye ku Tageen Magaalada Togwajaale Iyo Dareenada ku Xeeran,
January 15, 2016 - Written by Editor:

TOGWAJAALE(Wajaalenews) Badhasaabka gobolka Gabilay Mustafe Shiine  iyo xubno kamida garabka isbahaysiga kulmiye ayaa maanta Oo jimcaha  safar aan u jeedsdiisa la shaacin ku tagay magaalada tog wajaale

waftiga oo uu kor kacayay badhasaabka gabiley ayna ku wehelyeen  Masuuliyiinta garabka isbahaysiga Kulmiye oo ay kamid yihiin murashax Kijaandhe,wasiir ku xigeenkii hore ee ganacsiga Bashiir Cabdi Xarriir,agaasimihii guud ee wasaarada Warshadaha Mawliid Waris, wasiir ku xigeenkii Hore ee Deegaanka iyo xubno kale ayaa sida wararka aanu k helnay tibaaxen uu ahaa sidii xafiis ay isbahaysiga kulmiye ku yeeshaan magaalada wajaale xadhiga looga jari lahaa xusayna in ujeedada xaruntan loo yagleelay tahay sidii ay u kasban lahaayeen taageetada bulsho waynta ku dhaqan gobolka Gabilay.

halka wararka kale ay sheegeen in u jeedadoodu ahayd sidi ay uga qayb gali lahaayen huteel cusub oo laga furayay magaalada wajaale ay uga qayb gali lahaayeenxusay in ujeedada xaruntan loo yagleelay tahay sidii ay u kasban lahaayeen taageetada bulsho waynta ku dhaqan gobolka Gabilay.

 

Badhasaabka gobolka Gabilay oo isaguna qayb ka ahaa munaasibadan ayaa ay calaamatul Su,aal ku noqotay bulsho waynta Somaliland Maadaama yahay masuul dhan oo katirsan xukuumada axmed Siilaanyo kana mid ah Xisbiga Kulmiye ee Garabka Muuse Biixi inta badana ku hadaaqa uguna mana sheegta xukuumada in uu ka tirtiray mucaaridkii Gobolka balse tan ayaa noqonasa in uu cadaystay gacan haadintii lagu xaman jiray ee uu sida qarsoodiga ah ula socday garabka isbahaysiga.

Si kastaba ha ahaatee badhasaabkan arinkiisu noqday mid ku taagan lugna wadag lugna dalab ayaa kamid ah uun masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumada oo ku jaha wareeray garabyadii uu u kala jabay xisbiga Kulmiye taas oo badidooda ku khasabtay inay xilkooga ilaashadaan  balse gudoomiye shiine ayaa isagu markii u horeeyay cadaystay taageeradiisa halka xukuumaduna mudooyinkii u danbeeyay qorshaynaysay in aan garabka isbahaysigi sheeganin kulmiye .

COMMENTS
LINKS