Ubaxa Kacaanka Yaa U Warrama ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ubaxa Kacaanka Yaa U Warrama ?
January 21, 2016 - Written by Wariye:

Cigaal , Waa bastii, saddex Gu’ roob  kuma Hoorin, ma yaqaan cidaan xoolihiisa iyo caruurtiisa aheyn, waxaa uu  maqlaa  inay jirto dawlad,  balse wali ma uu arag meel ay joogto, waxaa uu  dhageystaa nin la yidhaa Axmed oo ka madaxa Ubaxa kacaanka, wali se indhihiisu  may qaban Hogaamiyaha ubaxa kacaanka, waxaa uu deganyahay Baadiye ku yaal waddo uu maro  Aabbaha Kacaanku marka uu safarka yahay , waxaa lagu yidhaa waaka halkaa marey, Waa Ayo ayuu yidhaa? Waxaa loogu jawaabaa  waa Axmed Hogaamiyaha Kacaanka, sheeduu  ka eegaa gawaadhi sii Socota, wuu dhaafey uunbuu maqlaa, yaa dhaafey buu  yidhaa? Isagii baa soo noqday baa la yidhaa, Gawaadhida

 

 

 

 

 

ma arkaba Boodhka ay ka tageen ayaa siigada ku  kiciya Arrag iyo hadalba Daa.

 

 

Cigaal, xerrada waxaa ugu jira Lix neef oo geela, Iyo Soddon Adhiya indhuhu markay qabtaan waad fajaci darxumada iyo abaarta ka muuqata xoolihiisa , Qushigood,  waxaa uu yidhaahdaa  “maxaa iga galay maalinba neefka sii dhimanaya ayaan Birreyn oo hilibkiisa laba cisho ku qadeyn, ha madheen, Anigu waxaan Ciyaalka bariiska uga soo saari geedaha sii dhamaanaya oo aan dhuxusha uga shidi,” Deegaanka waxaa ku nool basaas, yuu u shaqeeyaa? Waa basaaska wasaarada deegaanka ee Kacaanka Axmed, wuu  sheegaa maalinta uu  ku dhaqaaqo inuu  geed dhuxulaysto, xadhigbaa Xigga, Hanjabaada, dagaal iyo jidhdilka lagu hayaa cidanka waa caadadood, xorbuu noqdaa, cafisbaa loo fidiyaa, Xerrada geela iyo Adhigii madhe sidii maalinba mid u bakhtiyeysay, Isagu  camal ma hayo, meesha waxaa jooga lix caruura oo uu dhaley ma yaqaan meel uu raashin  uga keeno, waxbarasho iyo nolol kale hadalkeeda dhaaf inuu ciyaalkiisa u raadiyo wuxuu la dhibanyahay quudintoodii,  waa baadiye shaxaad male, dadkii kalena xoolihii ka madhe  ileyn kaligood roob ma helee, .

 

Maalin ayaa magaalada Kacaan waxaa ka yimid wiil  uu dhaley nin Oddey ah oo Oodda la yaal Cigaal, islamarkaana  waxbarasho u jooga xarunta kacaanka , abaarta iyo  siigada dhaceysa  wiilkii ka yaab, dhibaato , xoolo nool arki waa, xaalufka iyo biyo la’aanta ka murugoo, Wiilkii oo la yaaban nolasha ay ku noolyihiin reerkooda iyo xaafadaha la dariska ah waxaa  ay sheeko wadaageen Odeygii Cigaal Sheekadiina sidan ayey u dhacday.

 

Wiilkii :  Waa maxay Abaartu Adeer ?

 

Cigaal :   Adeer saddex sano Roob ma di’in.

 

Wiilkii : dabadeedna?

 

Cigaal :  Xoolihii iyo dadka intii maatida aheyd bakhtiye annaguna waxba kuma noolin.

 

Wiilkii :   Oo waayo adeer miyaanay dawladu idin caawin sawta xoola dhaqatadu ah wax-soosaarka koowaad ee dalka?

 

Cigaal : Yaa yidhi

 

Wiilkii : dee Madaxda ayaa tidhaa Dugsigana waanu ku baranaa.

 

Cigaal : Weger Sheekooy ku Nacey

 

Wiilkii : Adeer miyaanay Madaxda iyo wasiiradu Idiin iman si ay xaaladiina u ogaadaan oo maalintii dhaweyd sawkii Axmed Lahaa waxaanu soo kormeeraynaa dhulka abaaruhu saameeyeen?

 

Cigaal : Adeer,  Axmed Ma hogaamiyaha kacaanka waala sheegayay inay Laamida mareen laakiin Deegaanku ma arag, Beelaha   Qudhac iyo  Galool ayuu kula  shirayey  tuullada Diinqal ee Gobolka Jilba yare, waxaa la sheegayay inuu ciidan badan watay oo hareeraha Wadooyinta Tuman, dugsiyada waala soo saaray oo waxaa la yidhi hogaamiyihii kacaan ayaa waddada maraya ee hala soo baxo, ciyaalkaa sacabka u tumayay markuu halka marayay dabadeedna dhaaf iska laabey Xaaji Axmed.

 

Wiilkii : Imika maxaa xoola idiin jooga?

 

Cigaal : Adeer hadalkaad igu badiseeXerrada Midi Kuma Hadhin.

 

Wiilkii : Adeer Sawkan Axmed iyo  Ubaxa  kacaanku TV-yada habeen walba la taagan wax-qabadka miyaanu idin soo gaadhin?

 

Cigaal : Meeshan ma waxqabad-baad ku arkeysaa Adigu.

 

Wiilkii : Oo  Adeer xafladahan Ubaxa kacaanka Sawtan la moodo in Mii’  iyo magaalaba Barwaaqo lagu jiro, miyeydaan ka mid aheyn shacabka Keynta.

 

Cigaal : Waa la yidhaa laakiin ma naqaan.

 

Wiilkii : Maalin dhaweyd oo aan dheerayn Sawtii Gabadhan  Maqalka u fadhida Ubaxa Kacaanku Biyo Qaybinaysay, Miyaanay idin soo gaadhin?

 

Cigaal : Adeer gabadhaasi Naxariistii dumarkaa kusii jirtee, laakiin iyadana waxaa la sheegay inay qaab qabiileysan u Bixisay oo aanay xagayaga soo jaleecin Ileyn annagu waxaanu Nahay Reer  SANJABE.

 

Wiilkii : Adeer biyahana ma qabyaalad ayaa lagu Qaybiyaa ?

 

Cigaal : Wiilkaagan yar ee hadalka badanle Annigu ma tagin goobtaas biyaha lagu qaybinyay balse waa la ii sheegay Inay qabyaaladi Jirtay.

 

Wiilkii  : Imika maxaad yeelaysaan haddii abaaruhu sidan kusii socdaan ?

 

Cigaal  : Adeer waxaanu yeeli Ubaxa kacaan ayaanu kasoo horjeedsan si indho gooniya ugu yeeshaan dhaqdhaqaaqyada tuulada ay deegaan reer SANJAB dabadeed bal waxuun hala soo gaadhsiiyo.

 

Wiilkii  : Adeer yaa uga Warramaya Inaad kasoo horjeedaan Xisbiga Qabiil wadaag ee  Xukuumada Ubaxa Kacaanka, mida kale miyey daan laheyn cid warka idinka qaada oo Hogaamiyaha ubaxa kacaanka u gudbisa Xaalada Abaaraha ee qalafsan eed ku jirtaan?

 

Cigaal  : Adeer waxaa la wariyey ubaxa kacaan Dhago male, Indho male,garasho male, Waxtarkiisu waxaa uu ku koobanyahay Xarunta Xisbiga Qaabiil Wadaag ee caasimada u ah Xukuumada Ubaxa kacaanka.

 

La soco……………

 

W/Q : Ilyas Abdi Ali

 

Facebook. Ilyas Abdi

 

Gmail : Ilyasdable1994@gmail.com

 

Hargeysa/Somalilandcigaal

COMMENTS
LINKS