Timirtii Horeba Dab Loo Waa, Waa Talada Reer Xamar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Timirtii Horeba Dab Loo Waa, Waa Talada Reer Xamar.
January 30, 2016 - Written by Wariye:

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.
S.C.W.R.W.B

Salaantaas Islaamka kadib waxan tu khaas ah u soo dirayaa,
Dhamaan bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaasheeda

1-TIMIR WAA NIN IIBSADAY,TAB LOO CUNANA GARANAYN,
TUNKA WUXUU KU SIDA OO,KOLBA TOOLE JOOGSADO,
HAWD MARKUU LA TEGAYEE,TOLKII SOO SALAAMAA,
TU KALAAY U KEENEEN,ISAGOO LA TAAG DARAN.
TII HOREBA DAB LOO WAA,SOO KUMUU TAWAAWICIN.

2-TAAN  WELI LA YAABANAY,DADKAN WADA TASHANAYEE,
TODOBAAD FADHIYAYEEN,WAR TISQAAD LEH KEENAYN,

size=”1″>   TULUDOODIYOO MAQAN,TUSMO KALE QOQOBAYAA,
TII HORE DAB LOO WAA,TALADOODU WEEYAAN.

3-TAABA WAXA KA SII DARAN,SADDEXDII KALE TEGAY,
MAXAW DIIDAY TALO KEEN,ISKU TIIRSANAANTIYO,
TOLNIMADA DARAADEED,TOLOOW MAY TAXGELIYAAN,
OOYNA KALA TILMAAMAAN,SIDOODAAS AN TOLANEE.

4-TUHUN ODHANAYAA JIRA,XAMAR INAYNU TEGAYNOO,
TASHIGABA OGAYEEN,TALANTAALI LAGU WADAY,
TAA MIYAYDUN MAQASHEEN,MISE WAYSKA TEENII,
TAARIIKHDAABA LAGU QORI,HADDII AY TIMAADABA.

5-TUMAATIDII ANOO QABA,TAY I YEESHAY,TII HORE,
MARKAAN TUURAY GOBANIMO,TAWSTIINA IGU TAAL,
TAAGTII IYO TAMARTII,WAA KEENA LAGU TUMO,
TIRADUNA LIXIYO TOBAN,AYAY TAAGANTEE QORO.
Ismail Abdillahi Handuleh

COMMENTS
LINKS