Sucuudiga Oo Malaayiin Dollar Kusoo Bixisay Sidii Ay Culimada Somaliland Ugu Taageeri Lahaayeen Dilkii 47qof Iyo khudbada Jimacaha Oo Lafilayo In ay kaga Hadlaan . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sucuudiga Oo Malaayiin Dollar Kusoo Bixisay Sidii Ay Culimada Somaliland Ugu Taageeri Lahaayeen Dilkii 47qof Iyo khudbada Jimacaha Oo Lafilayo In ay kaga Hadlaan .
January 6, 2016 - Written by Editor:

DUBAI (Wajaalenews) January 07, 2016, Masaajidada Somaliland ayaa la filayaa in maalinta Jimcaha  magaalooyinka Somaliland  laga cambaareeyo dalka Iran, kadib markii sida la sheegay ay dawladda Sucuudi Careebiya bilawday olole ay ku doonayso inay iskaga horkeento dadka Suniyiinta ah iyo dadka Shiicada ah, gaar ahaana kuwa dalka Iran.

sidoo kale warar xogogaala oo aanu helayno ayaa tibaaxay in malaayiin dolar ay dawlada sucuudigu kusoo bixisay fulinta arinta oo ay xooga saareen sidii ay khudbada jimcaha  loogu soo qaadan lahaa

Qaarkamida culimada somaliland oo iyagu gacanta ku haya masaajid badan oo markii hore dhaqaalaha lagu dhisay laga helay dalka sucuudiga. halkan culimada gacanta ku haysa iyo madarasadahoodaba uu  dhaqaale kasoo gaadho sucuudiga xubnaha culimada  ah ayaa lasheegayaa in ay iyagu  arinta hormuud ka yihiin. sitoosana ugu xidhan wadaadada sucuudiga ah,

Waxay ahayd Ramadaantii ina dhaaftay markii ay masaajidada Somaliland bilaabeen weerar ay ku qaadaan Mad-Habka shiicada Islaamka iyo dawladda Iranba.

hase yeeshee waxa ay warar xogogaal ah oo ay Wajaalenews heshay sheegayaan in todobaadkanba ay wadaadada reer SOmaliland ee tukiya masaajidada Salaadda Jimcuhu ay lahaayeen shirar kala gooni gooni ah oo ay iskaga waraysanayaan sidii Sucuudiga loogu garab joogsan lahaa inuu xidhiidhka u gooya dalka Iran iyo wadaaadka SHiicada ah ee uu Sheekh Nimar oo lagu dilay dalka Boqortooyadda SUcuudiga Careebiya, taasi oo sababtay in dad shiico ah oo cadhaysan ay xoog ku galaan, isla markaana ay gubeen safaaradii Sucuudiga ee dalkaasi.

arrintani ayaa keentay cambaarayno iska soo horjeeda oo ay labada dhinacba la kulmeen, iyada oo Boqortooyadda SUcuudigu cambaarayn caalami ah kala kulantay dilka Wadaadka Shiicada ah, halka Iran-na ay cambaarayn caalami ah kala kulantay Safaaradda Sucuudiga ee dalkeeda lagu gubay.

labada ayaa sannadihii u dambeeyayba ku loolamayay hogaanka dawladaha Islaamka ah, iyada oo ay dawlad waliba doonaysay inay saamayn ku yeelato wadamada dunida Islaamka, isla markaana dawladda Sucuudigu isku dhigaysay inay hogaamiso dunida dalalka Sunniga, iyada oo dawladda Iran-na isku dhigtay inay hogaamiso dalalka Shiicada ah.

marka la eego tirada dadka Shiicada ah ee dunida ku nool iyo kuwa Sunniga ah, waxa aad u tiro badan kuwa Sunniga ah.

labadan mad-habadood ee Muslimiinta ah ayaa ilaa qarnigii 7-aad ee taariikhda Milaadiga ah nabad ku soo wada noolaa, balse tartankan cusub ee u dhaxeeya labadan dawladood ee Iran iyo Sucuuudiga ayaa keenay inay labada Mad-habadood aad u sii kala fogaadaan.

labada Mad-habadood ayaa iskaga mid ah xagga caqiiqada, gaar ahaana shanta Araanul Islaam iyo lixda Arkaanul Iimaan iyo Quraanka, balse ku kala duwan khulaafaa’uraashidiin, oo ay qolada Shiicadu rumaysan yihiin in Rasuulka SCW dabadii uu Cali Binu Abii Daalib xaq u lahaa hogaaminta Islaamka.

marka intaasi laga yimaado dadka Soomaalida ah oo boqolkiiba boqol Suniyiin ah, isla markaana ka soo horjeeda mad-habka Shiicadda ayaa haddana waxa isa soo taraya cabsida Boqortooyada SUcuudigu ka qabto inay Iran ku yeelato dad taageera siyaasadeeda, balse marka ay noqoto xagga caqiiqadda dadka SOomaaliyeed gebigooduna marna ma ogola in la kala saaro khulafaa’uRaashidiinta.

hase yeeshee, cabsida Sucuudiga ayaa ka dambaysay siyaasadda Sucuudiga ee Soomaalida dhexdeeda oo aan markaba horeba cago adag ku taagnayn, maadaama oo intii ka dambaysay markii ay dawladdii SOmalia burburtay dadka SOomaaliyeed ay boqortooyadda SUcuudigu u soo diraysay wadaado lacag badan haysta oo ay madarasado faafiya dariiqadda Wahaabiyada ee lagaga dhaqmo SUcuudiga ku faafinayay dadka SOomaalida ah dhexdooda, isla markaana dagaal xagga afka iyo meelaha qaarkood oo gacan ka hadalba ka gaadhay ay ku qaadeen wadaadadani dariiqadda SUufiyada Islaamka.

laakiin marka ay noqoto dadka reer SOmaliland waxa jira xidhiidh aan cago adag ku taagnayn oo ka dhaxeeya Sucuudiga, sababta oo ah dadka reer SOmaliland waxay rumaysan yihiin in xayiraadii Sucuudiga ee adhiga Soomaalida loola jeeday dadka reer SOmaliland si loogu khasbo Midnimada Somalia.

balse tani iyo intii ka dambaysay markii ay bilaabantay xiisadani cusubi dadka reer SOmaliland waxa ay hadal hayeen arrintani, iyada oo qaarkoodna u riyaaqsanaayeen talaabooyinka dawladda Sucuudiga iyo Carabtu ay xidhiidhka ugu jareen wadanka Iran, halka kuwa kalena ku doodeen in aanay jirin sabab ay u kala dhawaystaan marka ay noqoto danta qaranimadooda.

laakiin arrinta xiisaha lihi waxay tahay marka la eego xagga SOmalia, dawladda SOmalia ayaa cambaaraysay weerarkii lagu qaaday safaaradda SUucudigu ku leeyahay Iran, halka wadaad Masaajid ka wacdiya magaalada Muqdisho oo ay xigatay shabakada Soomaalida ee la yidhaahdo Mareeg oo magaciisa la yidhaahdo Sheekh Axmed uu magaalada Muqdisho ka sheegay in Iran ay doonayso inay dadka SOomaalida ah ku dhex faafiso mad-habta shiicadda, isla markaana Sucuudiga ku tilmaamay mid u hiilinaya SUniyiinta.

dawladda Somalia ayaa iyaduna dad u xidh-xidhay inay faafinayeen mad-habka Shiicadda, halka ay SOmaliland-na shalay xidhay nin ay ku eedaysay inuu faafinayo Shiicadda.

isku soo duuboo Boqortooyada  Sucuudiga  ayaa la sheegay inuu xidhiidho kala duwan la soo sameeyay qaar ka mid ah culimada masaajidada ee la dhacsan SUcuudiga sidii ay Jimcahani taageero ugaga raadin lahaayeen talaabooyinka SUcuudiga ee ka dhanka Iran.

dawlada somaliland ayaan iyadu ka hadal arimahan iyada oo aanay  ay jirin wax shacabka somaliland uga dan ah muranka dawladaha carbeed oo gabi ahaanba hagraday qadiyada jamhuuriyada somaliland balse ay arintan ku hawlan yihiin wadaado dhaqaale raadisa balse aan dan ka lahayn dawladnimada somaliland.

WAJAALENEWS DESK

DUBAI  OFFICE

COMMENTS
LINKS