SOMALILAND: Dheelliga Wasaarad Beellaysan Oo Dheg-xumo Barriinsatay Iyo Jaangoynta Masuuliyiin Laysku Beegay Oo Aan Cidi Tarraxin . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOMALILAND: Dheelliga Wasaarad Beellaysan Oo Dheg-xumo Barriinsatay Iyo Jaangoynta Masuuliyiin Laysku Beegay Oo Aan Cidi Tarraxin .
January 17, 2016 - Written by Editor:

fadeexado Maamul Ee Dulhogonaya Wasaarad Biyaha Somaliland Oo Isku Badashay wasaarad beelaysan Iyo Doorka Uu Ku Leeyahay Agaasimaha Guud.

GUDAHA KA AKHRI: Warbixin Diirrada Saaraysa Qaab-dhismeeka Wasaaradda Biyaha Somaliland Oo Isu Beddeshay Hay’ad Beellaysan Oo Agaasimaheeda guud Dembaabo.

AGAASIMAHA GUUD EE BIYAHA

Bismillaahi, waa kow, quraankay birlab u tahay…..Sida laga war qabo haykalka dawladeed ee qaranku leeyahay waxaa uu salka ku hayaa nidaamka isku dhafka ah ee bulshada qaybaheeda kala duwan, kaasi oo ay bud dhig u tahay in ay ka dhex muuqdaan dhammaanba deegaannada uu dalku ka kooban yahay. Si kale haddii aynu u dhigno waxaa muhiim u ah dawladnimadu in ay ku dherernaato halbeeg muujinaya saamiga talo qaybsiga, kaasi oo dheelliga ka illaalinaya nidaamkan isla markaana qurux iyo dhibirsanaan u horseedaya waaxaha qaranku ka kooban yahay.

Intaas markaan ku dhaafo araarta qormadan, waxaan jecellahay in aad ila dhugataan biyo dhaca qalinka iyo halka uu ku qotomo.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Badhtamahii Sanadkii 2013 digreeto Madaxwayne ku kala qaybiyay Wasaarada Macdanta Iyo biyaha Isagoo wasaarad gaara ka dhigay wasaarad biyaha halka wasaarada macdanta iyo tamartanu  ay gaarkeeda wasaarad buuxda u noqotay

waxaana wasaarada biyaha loo Magacaabay masuuliyiin Cusub iyadoo wasiir looga Dhigay Xuseen Axmed Cabdile Halka Agaasime guud looga dhigay Cabdirasaq Jaamac Nuur in uu Ahaado agaasimaha guud ee wasaraad biyaha.

  1. Wasaarada biyaha waxay ahayd wasaarad cusub wax dhisme ahna may lahayd iyadoo loo kireeyay guri fooqa oo aan wax sidaasiya uga fogayn wasaaradii hore iyo Aqalka looga taliyo somalilandba.

Waxaa sidoo kale  shaqaalihi wasaarada macdanta  qayb kamida la raaciyay wasaarada biyaha.

Ujeedooyinka Wasaarada biyaha gaarka looga dhigay ayaa ahayd  sidii loo fulin lahaa siyaada qaran ismarkaana wasaaradu ugu dadaali lahayd sidii bulshada loogu dadaali lahaa in ay helaan baahiyaha ka jira xaga biyaha.

Balse nasiib daro masuuliyiinta  loo igmaday hawlaha wasaarada ayaa waxay qaadeen dhabo kale waxayna hawlihii qaranka kaga mashquuleen sidii ay shaqaalaha wasaarada u kala qaybinlahaayeen,

Arimaha hab maamul ee ka taagan wasaarada biyaha ayaa noqotay waxyaabaha ugu badan ee mudooyinka ay bulshadu wax iska waydiinayso iyadoo soo shaac bixideeda ay sobab u ahayd kadib markii dhawaan xilka laga qaaday laba Agaasime waaxeed oo mudo 23sano ka badan ka mid ahaa hawlwadenada wasaarada ilaa xiligi ay isku jireen laba wasaaradood,

 

sidoo kale waxay wasaarada ka hirgaliyeen qaab dhismeed cusub oo ka duwan qaabdhismeed wasaaradu ka koobnayd. waxaanay sameeyeen,hab kale oo dhamaan agaasime waaxeedyadii wasaarada ka dhigay fadhiid,

Sidoo kale habka cusub ee masuuliyiinta wasaarada biyaha ugu sareeyeen ku kaceen ayaa meesha ka saaray saamigii iyo in shaqaalaha lagu qaato aqoon iyo karti. waxayna arintaasi wasaaradii biyaha ka dhigay wasaarad  yeelatay muuqaal beel kaliyihi la wareegto mansabyadii, sidoo kale qorshahan  qabiilaysan oo uu hormuud ka yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradu ayaa wuxu ku guulaystay in dhamaan isku duwayaasha gobolada bari  dhaamaantood  u magacaabo beel kaliya amaba qoyskiisa.

Habada qorshahan uu Agaasimaha Guud Hormuudka ka yahay ayaa waxba iska badalin markii xilka laga qaaday wasiirkii hore loona so agacaabay masuuliyiinta kale ee kale ah Wasiir Baashe Maxamed Jaamaca, Wasiirul dawle Mahdi Cismaan Buuri, halka aan siga la badali Agaasimaha Guud oo ah mishiinka hawshan fulinaya sidoo kale waxaa cadaatay in dhamaan wasiirada wasaaradu yihiin magac uyaal,

Xogaha aan ka helay fadeexadaha ku Gadaaman Wasaarada biyaha ayaa Daaha ka fayday in Agaasime Cabdirasaaq oo ay isku hayb yihiin madaxwayne siilaanyo uu yahay masuulka ugu awooda badan sidoo kale uu taageero buuxda  ka haysto Qasriga madaxtooyada oo sida xogahani xuseen sheegay in wasiirka u hogaansami waaya qorshaha Agaasimuhu ii si fudud ku waayi doono xilkiisa.

 

Haddaba, Waxaa Qormadani Idiin ballanqaadi doontaa in ay qaybteeda labaad diyaar idiinla tahay liiska masuuliyiinta isku taxan iyo mansabyada aanay cidi tarraxin ee ay wasaaraddani ka kooban tahay, kuwaas oo wadar ahaan noqonaya 14 Mas’uul oo aanayhaba yaraatee cidi tarraxin.

LASOCO……………..

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS