Shirkadaha Waawayn Iyo Ganacsatada Dalka Oo Dhagaha Ka furaysa Taakulaynta Dadka & Duunyada Abaaraha Ba,ani Saameeyeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadaha Waawayn Iyo Ganacsatada Dalka Oo Dhagaha Ka furaysa Taakulaynta Dadka & Duunyada Abaaraha Ba,ani Saameeyeen.
January 28, 2016 - Written by Editor:

BAAQA DADKA IYO DUNYADA ABAARUHU SAMEEYEEN  EE SHACABKA SOMALILAND IYO DAMAQ LA,AANTA SHIRAKADA DALKA KA GANACSADA,Oomaar,  Telesom,iyo Dahabshiil.OGF, SOMCABLE

Qaylo dhaanta abaaro baahsan oo ku dhuftay guud ahaan gobolada Somaliland gaar ahaan gobolada galbeedka ayaa mudooyinkii u danbeeyay kasoo yeedhayay dadka ku dhaqan deegaanadaas kuwaas xaaladdooda nololeed laga dayrinayo waxaana bilaabmay dhimashada xoolaha nool oo mudooyinkii u danbeeyay maydkoogu wadhnaa jidadka wadooyinka ku dhereran deegaanadaas waxaana kamid ah jiidaha xeebta ee waqooyiga magaalooyinka Hargaisa,Gabilay iyo Boorama ilaa deeganada xeebaha oo aan Sanadihii u danbeeyay helin raxmaadkii Eebe ee ay heli jireen.

oomar coabaartaa

Dadka abaarahani saameeyeen ayaa cod dheer lagula hadlayay xukuumada,ganacsatada,iyo shirkadaha waawayn sidii loo taakulayn lahaa dadkan abaartu ku habsatay nasiib daro wali may helin cid ka damqata dadkan tabaalaysan marka laga reebo masuuliyiinta degmooyinka ee deegaanadaas oo kaliyaata kormeer bilaa gacan ah kusoo maray deegaanadaas.

Shariikadaha waawayn ee dalka kajira oo iyagu gacanta ku haya hantidii umada kana macaasha ama ka ganacsada dadkan tabaalaysan ayaan haba yaraatee jirin wax gacana oo ay ka gasanayaan taakulaynta dadkan dhibaataysan iyaga oo dhagaha ka furaystay baaqyada isdaba jooga ah ee kasoo yeedhaya bulshada waxaana gabi ahaanba meesha ka maqan doorkii ay ku yeelan lahaayeen shirkadaha ay kamid ka yihiin Telesom,Dahabshiil,Salaama Bank,Omar iyo ganacsatada kale ee dalka.

shirkadahasomcableoomar co oomar co

Shirkadahan waawayn ee Oomaar CO Salaama Bank iyo Dahabshiil ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa sidii ay uga faa,idaysan lahaayeen baaqii dhawaan xukuumadu soosaartay ee  ahaa inay wax ka qaban doonto sarif bararka jira balse sobobay in la is dhaco oo shirkadahani urursadaan lacagihii suuqyada si ay uga macaashaan kor u kaca iyo hoos udhaca dolarka oo runtii faa,iidada ugu wayn ay ku hayaan shirkadahani.

 

COMMENTS
LINKS