Shaqaale Ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Maxkamada Jigjiga Usoo Celisay Xoriyadoodii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqaale Ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Maxkamada Jigjiga Usoo Celisay Xoriyadoodii
January 13, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimadka ee Somaliland Saleeban Jaamac Dirir ayaa Magaalada Tog-wajaale ku soo dhaweyey qaar ka mid ah  Shaqaalaha wasarada Caafimadka ee Somaliland oo  Ciidamada Itoobiya dhawaan ka Kaxaysteen Xududka u dhexeya Somaliland iyo Itoobiya.

shaqaalaha caafimaadka

Maxkamada ismaamulka Somalida Itoobiya ee Jig-jiga ayaa Xoriyadooda u soo celisay shaqalaahasi ka dib markii maxkamadu ogaatay in Shaqaalahaasi iyaga oo ambad ah xuduudka ka talaabeen sidaasi ay Itoobiya ku galleen.

Shaqaalahan ayaa wakhtigaasi ku guda jiray hawlaha caafimaad ee Deeganada xududaha Soamliland.

COMMENTS
LINKS