Saamayta sixir Bararka Ee degmada Togwajaale Iyo Kor u Kaca Miciishada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saamayta sixir Bararka Ee degmada Togwajaale Iyo Kor u Kaca Miciishada
January 1, 2016 - Written by Editor:

Waxaa maalmahan ugu dambeeyay si wayn looga dareemayaa magaalada wajaale sixir barar cirka isku

shareeray  oo caqabad ku noqday ganacsiga kala duwan ee magaalada ka soda. Waxa  adkaatay nolosha

dadwaynaha  ku dhaqan magaalada ka dib markii dhaqdhaqaagii ganacsi joogsaday.

Waxaa suuqa ganacsi ee magaaladu ku xidhnaa alaabada bagaashka iyo raashinkaba isugu jirta   ee 

dadyawga ka soo safra dalka aynu jaarka nahay ee itoobiya ay ka iibsadaan magaalada wajaale . suuqa kale ee muhiimka u ahaa ganacsiga magaaalada wajaale ayaa ahaa saylada xoolaha taas oo mudooyinkii u dambeeyay hoos u dhac wayni ku yimid kala iibsiga xoolaha nool  ka dib markii qalalaasesiyaasadeed iyo

dagaalo sokeeye ka oogmeen qaar ka mid ah wadmada khaliijka  ee xoolaha ugu badan loo iibgayn jiray.

Saamaynta sixirbararkani yeeshay ayaa si wayn uga muuqda suuqyada magaalada, waxaa albaadada loo

laabay meherado ganacsi  oo tirro badan, ka bib markii alabadii taalay la garan waayay qiime lagu iibiyo.

Waxaa magaalada wajaale ka shaqeeya lacagaha ay ka midka yihiin doolarka, shillinka soomaalian iyo lacagta

bira  ee itoobiya oo iyadu ah mida ugu faraha badan ee bulshadu wax ku kala iibsato. Hadaba qiimaha 

boqolka doolar ayaa gaadhay heerkii ugu sareeyay ee uu abid gaadho .

waxaa  100$ doolar   lagu sarifayaa 2480 birr oo lacagta itoobiya ah halka uu shillinka soomaalilaana marayo

780,000 sh/l . geesta kale maciishada magaalada ayaa qiimeheedu si wayn u kacay, koobka shaaha ah ayaa  maanta  maraya 1500 oo shillin soomaalilan ah, ama 5  birr oo lacagta  itoobiya ah,halka farka barriiska ahi ka  marayo 8500 oo shillinka soomaalilan ah, waxa sidoo kale 3$  doolar  ama  21000 oo shilin soomaaliland ah  maraysa  fooostada biyaha ah

 sixirbararkan ayaa sababay in qoosaska danyarta ahi iibsan kari waayaan  raashinkii quutaldaruuriga

ahaa.dadka qaar ayaa sixirbararka u sababaynaya sarif layaal la sheegay in iyaga dani ugu jirto oo ay suuq ka

samaysanayaan lacagaha kala duwan ee magaalada ka sheqeeya. Illaaa hada ma jirto cid dawlada ah oo ka

hadashay dhibaatada sixir bararku keenay.dhaylo149@gmail.com  wajaale Somaliland  wariye khaddar dhaylo

LASOCO QAYBAHA DAMBE  TELL.0634488306

           

 

 

 

COMMENTS
LINKS