QISO CAJIIB AH; Gabadhii u Malagu ka Naxay Ee Uu ka Ilmeeyey: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
QISO CAJIIB AH; Gabadhii u Malagu ka Naxay Ee Uu ka Ilmeeyey:
January 24, 2016 - Written by Editor:

Qisadani waxay dhacday waqtiyadii ay noolaayeen ummadihii hore, waxaanay ku saabsan tahay gabadh socoto ahayd oo meel cidla ah iyada oo maraysa u dhammaaday waqtigeedii noloshu,

waxay dhabarka ku sidatay ilme yar oo bilo kooban jirey, dabadeed malagii nafta ka qaadayey wuxuu ka naxay ilmaha yar ee aanay cidi la socon marka u hooyadii dhinaca aakhiro u kexeeyo,

laakiin wuxuu fuliyey amarkii Ilaahay oo naftii ayuu ka qabtay. muddo dheer ka dib ayaa loo direy inuu nafta ka soo qaado oday da’ ah oo uu kula kulmay isaga oo ul ka samaysanaya meel kaboole ah oo u ku leeyahay ii adkee jufada usha waxa aan doonayaa inay in badan i haysee, malakul mawdkii wuxuu ku qoslay odayga da’ ah iyo siday noloshu ugu dhammaatay ee haddana u leeyahay muddo dheer ayaan u baahanahay inaan ushan haysto, dabadeed Ilaahay ayaa ku yidhi Malagii sharaftaydaan ku dhaartaye ninkan kaa qosliyey waa ilmihii yaraa ee aad barigii ka ilmaysay ee cidlada joogay…….. subxaana Allah… Alle ma dayaco cid uu abuuray kumana ilaaliyo oo keliya waalid iyo inay ciddi la joogto ee ilaalada iyo dayactirkuba dhiniciisa ayey ka yimmaadaan.

QALINKII  A, BEERSHIYA

COMMENTS
LINKS