Qaar kamid ah Mujaahidiintii SNM Oo Shir Ay Iskugu Yimaadeen Magaalada Hargaysa kaga Dhawaaqay Urur U Qhaqdhaqaaqi Doono Badbaada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaar kamid ah Mujaahidiintii SNM Oo Shir Ay Iskugu Yimaadeen Magaalada Hargaysa kaga Dhawaaqay Urur U Qhaqdhaqaaqi Doono Badbaada Somaliland.
January 6, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Qaar kamid ah mujaahidiintii SNM ee kasoo qaybqaatay dagaaladii qadhaadhaa ee lagu afganbiyay dawladii kali taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Bare ayaa maanta shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen kaga dhawaaqay urur cusub oo ay ugu magac dareen Samatalis. xafladan oo lagu qabtay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargaysa  ayaa waxaa kasoo qayb galay mujaahidiin kor u dhaafayay 250  mujaahid oo isugu jiray saraakiil iyo hogaano kasoo qayb qaatay dagaaladii dib u xoraynta dalka waxaana goobtaas kahadlay mujaahidiin ay kamid yihiin Muj. C/raxmaan Cali Rooble (cabdi 6), Axmed Cali Dirays iyo saraakiil kale oo ku xardhanaa dagaaladii qadhaadhaa ee SNM la gashay dawladii kali taliska ahayd.

snm 2 snm

Ugu horayn waxaa goobtaa ka hadlay mujaahid Cabdi Sigis oo eedo dusha uga tuuray madaxweyne Siilaanyo isaga oo ku eedeyay in uu salaan ka dhigtay mujaahidnimadii oo ujeedadiisuna ahayd in uu kursiga ku fuulo balse uu ilaaway mujaahidiinta ku dayacan guud ahaan gobolada dalka sidaas darteedna taasi nagu kaliftay inanu samayno ururkan ayuu yidhi mujaahid sigis, waxaanu cod dheer u diray  dhamaan mujaahidiintii Ururkii SNM oo uu ugu baaqay inay kasoo qayb galaan shirkan ay aayahooda kaga tashanayaan.

 

xafladan oo ay ka hadleen dhawr mujaahid hadana laguma dhawaaqin gudoomiyaha iyo kuxigeenka iyo dhamaan xubnihii kale ee maamul ee ururku yeelan lahaa balse sida ay sheegeen waxaa laga balamay waqti kale waxaana la qorsheeyey in la guda gali doono kadib marka ay soo dhamaystirmaan dhamaan mujaahidiintii kasoo qaybqaatay dagaalkii dib u xoraynta dalka.

si kastaba ha ahaatee cabashada iyo qaylo dhaanta kasoo yeedhasa mujaahidiintii kasoo qaybqaatay dagaaladii qadhaadhaa ee dib u xoraynta dalka ayaa sii kordhasa marba marka kasii danbaysa iyada oo aanu madaxweyne siilaanyo oo kamid ahaa saraakiishii SNM dhag jalaq u siinin maadama uu ololihii doorashooyinka ee uu mucaaridka ahaa ku afgobaadsan jiray bulshowaynta Somaliland in uu daryeeli doono mujaahidiintaas. kadib markii uu dhamaaday dagaalkii ururkii SNM waxa ay saraakiishii xiligaas isla qaateen in la abuuro urur daryeela mujaahidiintii SNM oo intii dagaalka kasoo hadhay badidoodu noqotay wax curyaama,wax xanuunsan iyo wax kale waxaana lagu dhawaaqay Ururka Sooyaal oo ay ku bahoobeen dhamaan mujaahidiintii SNM balse wali lagama hayo wax taageero ah oo ay u fidiyaan mujaahidiintii urur waynihii SNM

 

 

COMMENTS
LINKS