Muxuu Daraan Yahay Khilaafka Xoogan Ee Soo Kala Dhex Galay Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Daraan Yahay Khilaafka Xoogan Ee Soo Kala Dhex Galay Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland?
January 21, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)Khilaaf  Ayaa Soo kala Dhex Galay Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Cali Mareexaan  Iyo Mareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan.

Sida wararka qaar sheegayaan wasiirka hawlaha guud ee Somaliland Cali Mareexaan iyo Agaasimaha hayada wadooyinka Xasan Cali ismaan ayaa khilaaf soo kala dhex galay ka dib markii ay isku maandhafeen ama laysku jiidhay Qadiyad Daamura amaaha oo uu ka soo dalbaday Qandaraasle Cabdirirsaaq Cumaani oo qandaraas ku haysta Dayactirka iyo Kabkabka Waddooyinka dalka ee Xukumada Siilanyo hawlahooda hoose maamusho.

Ganacsade Cabdirisaaq Cummaani ayaa xogguhu sheegeen inuu wasiirka Hawlaha Guud ka codsadey in la sii amaahiyo kun oo foosto oo ka mid ah Daamur yaala xarunta Ayaxa oo ay leedahay Hayada waddooyinka Somaliland balse wasiir Cali mareexaan iibkiisa si hoose u fasaxay,Cummaani ayaa u ku qanciyey  Hayada Waddooyinka & Cali Mareexaanba inuu ka iibsanayo  Daamuurka Xerada Ayaxa yaala ilaa Sagaal kun (9000) oo foosto,kuna hunrguri geliyey oo kula sii heshiiyey inuu foostadii ka siisanayo $105 balse hadda uu aad ugu baahan yahay Kun foosto oo amaah ah.

Siday xogguhu tibaxayaan Maareeyaha Hayada Horumarinta Waddooyinka Xasan Cali Cismaan ayaa ka dhega adeygay inuu ku wareejiyo Cabdirisaaq Cummaani Daamurkaa kunka foosto ah ee Wasiir Cali Mareexaan amray,wuxuuna Maareeyuhu foodsaro diidmadiisa uga dhigay Qoraal rasmiya oo wasiirku u soo gudbiyo,Welibana ku muujiyo Qadarka Daamuurka ah ee la siinayo Cummaani haddii kalese aanu waxba bixin karayn qadiyadaas oo iskudhac sababtay markii Cali Mareexaan ka warwareegay inuu wax Qoraala bixiyo balse amar afka ah riday.

Cabdirisaaq Cummaani ayaa u balanqaaday Hayada Waddooyinka S/land inuu ka iibsanayo 9000 (Sagal kun ) oo foosto oo Daamura,calaa foostana ka siisanayo $105 hase yeeshee wuxuu ku dooday inuu Lacagta soo shubaayo  marka lacag uu ka sugaayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) ku soo dhacdo sanduuq xisaabeedkiisa (Akoonkiisa),Hase yeeshee taas bedelkeeda Ayaa Maareeyaha Hayada Waddooyinku u soo jeediyey  ama ku xidhay inuu bixiyo Lacag horumarina oo dhan $500.000 si uu hal mar uga wada qaato Daamurka, baaqina laga sugaayo muddo lagu heshiiyo.

Yeelkeede markii Cali Mareexaana amray in Cabdirisaaq Cumaani la sii amaahiyo Kun foosto oo Daamuura ,Maareeyuhuna Qoraal ku xidhay Bixinta Daamurka ayaa arintii Cirka isku shareertay oo gaadhey Guddi Siilanyo mar hore u xulay Qaadhaan ururinta waddooyinka oo ay xubno ka yihiin wasiirka gaashandhiga Cadami & Sacdiya Muuse oo ka tirsan Ururada Bulshada ka hawlgala somaliland.Guddigan ayaa qaylo dheeri ka soo yeedhay markay ka war heleen in Daamuurkii lacagtii qaadhanka Bulshoweynta reer Somaliland debed iyo gudaba laga soo ururiyey lagu soo iibiyey, Hayada waddooyinka iyo Cali Mareexaan dib u iibiyaan oo la lunsado.Ku darsoo waxaa taas ka sii daran Daamuurkan lagu soo iibiyey qaadhaankii Bulshada Somaliland laga guray ayaa haddana lagu iibsadaa oo lagu musumaasuqaa lacag deeqa ah oo Hayadaha Samafalku iyo Dawladaha deeqda bixiyaa soo mariyaan Sanduuqa horumarinta S/land (SDF).

Isku soo wada duuboo waxaa weli cakiran ama oogan murankii u dhexeeyay Wasiir Cali mareexaan iyo maareeyaha hayada Waddooyinka ,Geesta kalena waxaa socota Qaadhaankii waddooyinka ee laga soo ururiyey Bulshoweynta reer Somaliland Daamuurkii lagu soo iibiyey oo la xaraashayo,laguna iibsanayo Lacag uu bixiyey sanduuqa Horumarinta Somaliland ( SDF).

COMMENTS
LINKS