|
|||||
WAJAALE NEWS
MUJ JIDHIF OO Si Cilmiyaysan Usharaxay Dhibta Ay Leedahay Dawladaha Milatarigu Xukumaan Iyo Rajada Cawaaqib Xumadooda Dambe Ee Mustaqbalka,
January 24, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(W.N) Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif),ayaa markii u horeysay kawaramey Dhibaatooyinka guud sudhan Dawladaha Afrikaanka ah kuwa Carbeed iyo Aduunkaba ee ay hogaamiyayaasha u yihiin Milatarigu kuwaas oo uu si adag uga deyriyay guud ahaanba Mustaqablkooda Siyaasadeed,Dhaqaale iyo hurumarineed. Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif),oo xogwaran kooban siiyay Shabakada Wararka hadhwanaagnews isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa ku tilmaamey in hogaaminta talada qaran ee ay dalalka u taliyaan taliska Ciidamada iyo milatarigu in ay horseed uyihiin guuldaro aan laga soo kabanin sanado badan oo boqolaal sanadood ah. “Qof kastaaba waxa uu ka waramaa inta uu aqoon u leeyahey iyo waayo aragnimada uu ka haysto dhibaatooyinka had iyo jeer ka dhasha wadamada Dunida aynu ku nool nahey maanta gaar ahaana dalalka Afrikaanka ah,Carabta,iyo Aduunka iyo dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya kamid yahey ee Somaliland kamid tahey waxeynu wada ognahey in hogaaminta milatarigu ee dal ay horseed u tahey guuldarooyin baabiinaya rajooyinka Mustaqbal ee Siyaasadeed,dhaqaale,iyo hurumarinta Bulshada intaba, waxaanay marka hore dawladaha milatarigu laalaan oo ay baabiiyaan Dastuurka Dimuqraadiga ah ee Wadankaasi,waxaanay kala diraan oo ay naafeeyaan Golaha Shacbiga matelaya ee Baarlamaanka taasina waxey u xalaaleysaa in ay awood kalitalisnimo ah ku xukumaan wadanka taasina waxey keentaa in ay baaba,do Saxaafadii Xorta aheyd oo aan waxba laga sheegi Karin,waxaanay si badheedh ah u laayaan shacbiga mudaharaadaya waana talaabooyinka iyo dabeecada ay Askarinimadu leedahay aakhirkana waxey horseedaa guuldarooyin aan laga soo kaban Karin sanado badan oo boqolaal ku dhaw iyadoo abuurta dagaalo Sokeeye iyo jabhadaha oo aynu Tusaalooyinkooda hore usoo aragney”.Ayuu yidhi Mujaahid Jidhif Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu Tusaale usoo qaatey Wadamada ay si dhab ah uga taliyaan Milatarigu. “Hadeynu Tusaale usoo qaadano wadamada Milatarigu ka taliyaan ama Askartu ee ay hore uga soo taliyeen waxa kamid ah Dalka Yemen sababtoo ah Cali Cabdale Saalax Askari ayuu ahaa halkey mareysana waad la soctaan iyo xaalada ay mareen,Wadanka Laybeeriya ee Afrika Samal-doo,Yuganda Iidi Amiin Dada,Itoobiya Mingistu Hayle Maryam,Koongo Mabuuto seeko-seeko,Ciraaq Sadaam Xuseen Askari buu ahaa ilaa maanta lagama soo kaban xaaladii mustaqbal ee uu ka tagey, Masar Xusni Mubaarik Askaribuu ahaa,Liibiya Mucamaral-Qadaafi Askari buu ahaa ,Kaamboodiya,Argnatiin Binashee Askaribuu ahaa,Kuuriya Kibal-song Suurtagal ma aha in Dawlad Askari xukumaa ka badbaado dhibaatooyin Soomaaliya Siyaad-Barre Askari buu ahaa ilaa maanta Koonfurta lagama soo kaban sababtoo ah Askarigu sida uu maanta uu xanaaqsan yahey ayuu waagii beryaba u xanaaqsanaanayaa,waxaana loo yaqaanaa nidaamkaa aynu soo sheegnay milatarisem wabilaahi tawfiiq ”Ayuu yidhi Mujaahid Jidhif. Waa Markii u horeysay ee Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif) ka hadlo Xukunka Askarta ama Milatariga isagoo kamid ahaa Saraakiishii Milatari ee dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya,kana mid ahaa Saraakiishii ka soo qeyb qaatey Halgankii Snm.
XIGASHO HADHWANAAGNEWS
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|