Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ku Mudeeyey Wakhtiga Ay Dalka Ka Bilaabmayso Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ku Mudeeyey Wakhtiga Ay Dalka Ka Bilaabmayso Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha Somaliland
January 3, 2016 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku mudeeyey wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:      Qodobka 90aad ee Dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:      Qodobka 28aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;

Markuu Tixgeliyey:         Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay GDQ/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016, ujeeddadiisuna tahay Codsi Ku-dhawaaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;

Wuxuu Go’aamiyey

In Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto Gobolka ugu horreeya oo ah Gobolka Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

COMMENTS
LINKS