Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax-Dhigay Waddo Laamiya Oo Hargeysa, Oodweyne Iyo Burco Isku Xidhaysa ‏ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax-Dhigay Waddo Laamiya Oo Hargeysa, Oodweyne Iyo Burco Isku Xidhaysa ‏
January 12, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) Madaxweynuhu waxa uu maanta ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu daahfuray qaadhaana loogu ururinaayey waddo laami ah oo isku xidhidoonta Hargeysa, Oodweyne iyo Burco oo dhismeheedu ka bilaamay maanta Tuulada Diinqal oo noqon doonta halka looga baydho ama looga weecdo isku xidhka saddexdaa gobol ama magaalo.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa si weyn uga dhex muuqday dadka deegaanka ku dhaqan ama ka soo jeeda, ganacsato tiro badan, shirkado iyo Masuuliyiin kala duwan oo ka mida Xukuumada,

waxaanay xafladu ahayd mid in badan socotay khudbado badana ay ka jeediyeen madaxdhaqameed, waayeel, waxgarad, ganacsato, shirkado kala duwan iyo Masuuliyiin ka tirsan xukuumada.

Dhagax-dhigan ayaa la xidhiidha horumarka iyo dhiirigelinta uu madaxweynaha Qaranka Somaliland la barbar taagan yahay shacbigiisa jecel horumarka una heelan inay waxqabsadaan lana barbar istaago ka xukuumad ahaan sidii uu madaxweynuhuba hore ugu balan qaaday cid kasta oo waxqabsata inuu isna taageeridoono gacana ka geysandoono dedaalkooda horumarineed ee ay muujiyeen.

Madaxweynaha Qaranka oo madashaa ka hadlay waxa hadaladisii ka mid ahaa”Maanta Sharaf aad iyo aad u weyn ayey ii tahay wanan idinka mahadnaqayaa sida qiimaha iyo qaayaha leh eed noo soo dhawayseen wana sidii idin caadada ahayd, aad iyo aad ayaan idinku mahadcelinaynaa mar kale, run ahaantii isku xidhka wadooyinka dalku waa waxa ugu muhiimsan, annaguna hadii aanu nahay dawladda waajib iyo xilna saaran weeyi in aanu marwalba dhiirigelino dalka isku xidhkiisa, isu talawgiisa iyo isu socodkiisaba, wadooyinkaa aynu maanta dhisayno waa wadooyinka ugu mudan dalka, waa wadooyinka qiimaha iyo qaayaba ugu fadhiya, markaa aad ayaan ugu faraxsanahay waxaanan balan qaadaynaa in aanu gacan weyna ka geysan doonaa oo aanu waajibka iyo xilka nagalla gudboon aanu si wacan uga soo baxno, Insha Allaa waxan inoo rajaynayaa inay guul inoogu dhamaan-doonto idinkana waxan idinka mahadcelinayaa sida sharafta iyo qiimaha leh eed noogala soo qaybgasheen iyo gacanta aad ka geysateenba”.

Ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mudane Dr. Saleebaan Ciise Axmed “Xaglatoosiye” uu gaadhi Unbalance ah oo uu madaxweynuhu kharashkiisa bixiyey ku wareejiyey Maamulka

Deegaanka iyo Madax-dhaqameedkaba si loogu adeego bulshada ku dhaqan halkaas. waxaana weftigii madaxweynaha loo gelbiyey beer ka mida beeraha deegaanka oo Madaxweynaha hadhimo sharafeed loogu sameeyey, qadada ka dibna waxa weftigii madaxweynuhu u soo kicitimeen dhinaca caasimada Somaliland.

COMMENTS
LINKS