|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Obama Oo Dhibaatada Hubku U Gaysto Shacbiga Rer Maraykan Ka Ilmeeyay, Kana Soo Saaray Sharci Cusub.
January 5, 2016 - Written by Editor:Washington(Wajaalenews) Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa la ilmeeyay dhibaatada hubka uu ku hayo shacabka Mareykanka, isagoo ku dhawaaqay tallaabooyin lagu xakameynayo qaabka hub iibasashada. Madaxweyne Obama oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad wuxuu ku dhaliilay aqalka Congress-ka sida ay tallabooyinkan u baal mareeyn, isla markaana aanay uga soo saarin sharci adag oo lagu xakameynaayo Hubka. Mr Obama ayaa indhihiisa ay ilmo ka soo daadatay, intii uu ku guda jiray shirkiisa Jaraa’id, waxaana uu muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatooyinka uu sababo hubka. “Waxaan nahay dalka kaliya ee horumaray dunida, ee arka rabshadahaceynkan ah ee sida joogtada ah u dhaca” ayuu yidhi Obama. Sidoo kale Obama ayaa sheegay in hubka gacanta ugu jira shacabka Mareykanka ay dad badani macno la’aan ugu dhinteen. “Dad ayaa dhimanaya, sidaas darteeda cudur daarka joogtada ah ee waxqabad la’aanta ma sii socon karo” ayuu yidhi Obama. Tallaabadan cusub ee uu soo saaray Madaxweynaha Mareykanku waxay xadidaysaa dadka hubka iibiya inay helaan ruqsad, isla markaana dadka iibsanaaya la eegayo taariikhdooda nololeed, inta aan hubka laga iibin. Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa dalka Mareykanka ka dhacayay toogasho ay geysanayeen dad kala duwan, waxaana lagu tilmaamay soo noq noqoshada weerarada lagu fuliyo hubka inay tahay dadka hubka iibiya oo aan sharci adag laga soo saarin. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|