Madaxweynaha Jsl, Oo Digreeto Madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl, Oo Digreeto Madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka.
January 8, 2016 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3766 /012016 ku Dhaqan-geliyey Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka.

Madaxweynuhu:- 

Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-29/674/2016 ee ku taariikhaysan 03/01/2016 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah, Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;

 Wuxuu Soo Saaray

 Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.

 ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

 

COMMENTS
LINKS