Kullan Aan Ujeedadiisa La Shaacin Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Dhexmaray Madaxwayne Siilaanyo Iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kullan Aan Ujeedadiisa La Shaacin Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Dhexmaray Madaxwayne Siilaanyo Iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali.
January 27, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa muddo dheer ka dib toddobaadkan yeeshay kulan ka dhacay madaxtooyada.

tolwaa iyo siilaanyo

Kulankaas ayaa ahaa casho sharaf ay Madaxweyne Siilaanyo iyo xaaskiisu u sameeyeen Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo xaaskiisa, waxaanu qabsoomay habeenimadii Isniintu soo galaysay ee toddobaadkan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaas, lamana sheegi karo in lagaga wada hadlay arrimo siyaasadeed iyo in kale. Laakiin kulankaas ayaa noqday mid ay faaqidaadiisu labadii caano maal ee u dambeeyay ku badnayd goobaha lagu falanqeeyo siyaasadda Somaliland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali weydiiyay

talooyin lagaga gudbi karo xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ka jira, halka ay warar kalena sheegayaan in kulanku ahaa mid qoys oo aanay wax siyaasad ahi wehelin.

Si kastaba ha ahaate, Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali, ayaa marka uu ku jiro iyo marka uu ka maqanyahayba xiiso u yeela siyaasadda Somaliland, waxaana lagu yaqaanaa nin ay ku hirdaan inta badan siyaasiyiinta Somaliland ee ay isla soo mareen halgankii SNM.

 

Geeska.

COMMENTS
LINKS