|
|||||
WAJAALE NEWS
Kulankii Ugu Balaadhnaa Ee Ay Iskugu Yimaadaan Madaxda Garabka Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye Ee Dalka Uk oo Ka Socda Magaalada Bristol.
January 31, 2016 - Written by Editor:UK.(Wajaalenews) Kulan ay isugu yimaadeen taageerayaasha Kulmiye ee garabka Isbahaysiga magaalada London ee dalk UK ayaa hadda uu uga socdaa kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen hoteelka Future Inn ee Bristol. Kulankan ayaa waxa qaban qaabiyey xubno si weyn u taageersan go’aankii ay qaateen siyaasiyiintii iyo wasiiradii iska casilay xukumada madaxweyne Siilaanyo ee ka biyo diiday qaabkii loo qaban qaabiyey shirkii lagu doortay musharaxnimada Gudoomoye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne -xigeenka Somaliland C/raxman Saylici oo mar kale isu taagay musharaxa madaxweyne-xigeen. Kulanka oo hadda bilaabmay ayaa waxa lagu sharaxay goobta uu ka socdo sawirada xubnihii xukumada iska ay hogaaminayeen wasiiradii xukumada, iyadoo sidoo kale goobta la sudhay sawirada qaar kamid ah siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga, inkastoo aanay cadayn halka ay ka soo galaan khilaafka Kulmiye ee abuuray ‘Isbahaysigan’ abaabulka weynu wali ka muuqdo. Kulanka ayaa ujeedadiisa aya sida uu sheegay gudoomiyaha ‘Isbahaysaiga Kulmiye’, Maxamed Maxamuud Caydiid (Jayna Bulux) waa mid ah kala warqaadasho taageerayaasha iyo xubnha hogaamiya Isbahaysiga ee ay ugu fadala cad yihiin wasiiraxii xukumada ka dareeray. Kulan waxa khadka telefoonka iyo dhanka xidhiidhka Internet ka ee loo yaqaan ‘Video conference’ ka soo galaya oo kulanka lagala hadlay si ku meel gaadh ah Wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis maxamed samaale oo ku sugan dalka itoobiya malaada ADIS ABABA ,Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada JSL Maxamed Biixi Yoonis oo jooga magaalada Addis Ababa, halka xubno ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan Waabeeye sidoo kalena la filayao in ay so toos ah khadka u soo galaan.
Sidoo kale kulan ayaa waxa uu yahay mid soo qaybgaleen xubno ka yimid magaalada Cardiff iyo kuwa kale ee ka baxsan Bristol.
La soco warbixnta hadalada iyo muuqaalka video-ga ee kulankan oo aan idiin soo gubin doono.
Bristol- UK Related posts:“Taliyaha Ciidanka Qaranka Waxaan Leeyahay Cadaalad Samee, Odayga Dalkana Waxaan Leeyahay Qoladu Wa... 28 Shaqaale Ah Oo Ka Tirsan Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Ayaa Maanta Loo Soo Xid... Odayaal iyo Waxgarad Iskaa Wax U Qabso Ku Dhisaya Jidka Isku Xidha Magaalada Boorama iyo Degmada Cad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|