|
|||||
WAJAALE NEWS
Kala Fogaanshaha Bayaan Shalay Soo Baxay Oo Ay Jaamacadda Carabtu Dhabarka Kaga Jebisay JSL Iyo Dhawaaqii Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Garab Istaagay Xulufada Sucuudiga
January 15, 2016 - Written by Editor:Gudaha Ka akhri Lix Qoddob Oo Abaal-dhac ku Ah Dhawaaqii Hoggaamiyaha Qaranka Somaliland Oo ay Jaamacadda Carabtu Soo Saartay Toddobaadkan “Jaamacadda Carabtu Waxa Ay Soo SAartay Dhowr Qoddob Oo Lagaga Hor-tegeyo Kala-qeybsanaanta Laguna Garab Taagan Yahay, Waana In La Xaqiijiyo lana raadiyo Lana Adkeeyo Midnimada Shacabka”- Dawladaha ku Bahoobay Arab League 14. January. 2016
“Dawladda Somaliland Waxay Si Buuxda U Garab Taagan Tahay Mawqifka Ay Qaateen Dawladaha Jaamacadda Carabtu Arrintan”-Madaxweyne Siilaanyo 11. January. 2016jaamacada carabta
Qaahira (Wajaalenews)- Kulan ay maagaalada Qaahira, ee caasimadda dalka Masar ay ku yeesheen xubnaha baarlamaanada Jaamacadda Carabta ayaa waxaa ay ka soo saareen bayaan dhowr qodob ka kooban oo ku saabsan Soomaaliya, ayagoo sheegay in laga hortago kala qeybsanaanta ka dhex jirtay Soomaalida, isla markaana la ilaaliyo midnimada dalka Soomaaliya. Bayaanka, ayaa lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay garab taagan tahay Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay kamid tahay 22 wadan oo kujira ururkaasi. Shabakadda wararkeeda ku baahisa Luuqadda Carabiga ee loo yaqaanno Al-shaahid Ama Witness oo warkan baahisay ayaa Qodobadan bayaanka soo bandhigtay kuwaas oo ay kamid ahaayeen sidan: In laga hortago kala qeybsanaanta ka dhex jirta Soomaalida. In la xaqiijiyo, lana raadiyo,lana adkeeyo midnimada shacab iyo dhul ee Somaliya. In loo sameeyo dib u heshiisiin Soomaalida, si ay isugu soo dhowaadaan. In lala dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo kuwo kale ee diidan midnimada ummadda Soomaaliyeed. In ay muhiim tahay in la ilaaliyo badda iyo xasiloonida Soomaaliya guud ahaan. In laga hortago cid kasta oo isku dayaysa in ay fara-geliso madax banaanida Soomaaliya.
Falanqayn Bayaankan lixda qoddob ka kooban ayaa immanay xilli uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u cambaareeyey falkii lagu gubay safaaradda sucuudigu ku leeyahay Iran isla markaana uu shaaciyey in ay dawladda Somaliland garab iyo gaashaanba u tahay mawqifka ay qaateen dawladadaha ku bahoobay ururka jaamacadda carabta. Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay siyaasadda xukuumaddiisa uga meel taalla jaamacadda carabta iyo siyaasadda bariga dhexe waxaa uu khudbaddiisii dastuuriga ahayd ee uu toddobaadkan u jeediyey labada aqal ee baarlamaanka ku sheegay in xukuumadda Somaliland si adag uga soo hor jeeddo tallaabooyinka ka dhanka ah hoggaamiyaha xulufada dagaalka kula jirta Xuutiyiinta Yemen iyo shiicadda Iiraan, waxaana madaxweyne Siilaanyo khudbaddiisa kamid ahayd sidan: siilaanyo“Waxaan halkan ku canbaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaarada Dalka Sucuudigu ku lahaa Wadanka iiraan, taas oo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblumaasiyada dunida, kana soo horjeeda Shuruucda Caalamiga ah. Xukuumada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa xasilooni darida dalka iiraan ka wado mandaqadda Bariga Dhexe iyo Marin Biyoodka Badda Cas. Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay mawqifka ay ka qaateen Dawladaha Jaamacadda Carabtu arrintan.” Related posts:Daawo: Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Digniin U Dirtey Darawalada Gaadiidka Iskaga Kala Goo... Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Oo Warbixin Ku Saabsan Mashruuca Biyo Baladhinta Haregysa Ka Dhagayst... DAAWO; Muxaadiro Diiniya "Caqabadaha Horyaala Qofka Muslimka ah" Sheikh Almis Yaxye Xaaji Ibrahim. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|