Jaaliyada Qoomiyada Orromada Ee Dalka Maraykanka Oo Cambaareysay Habdhaqanka Xukuumada Somaliland ee Mustaafurinta Ajaanibka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaaliyada Qoomiyada Orromada Ee Dalka Maraykanka Oo Cambaareysay Habdhaqanka Xukuumada Somaliland ee Mustaafurinta Ajaanibka.
January 24, 2016 - Written by Editor:

Minnesota (Wajaalenews) Jaaliyadda Orromada ee gobolka Minnesota ee dalka mareykanka ayaa cambaareeyay dadka Oromada ah ee dhawaan laamaha ammaanka Somaliland ay ka raafayeen Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Shir jaraa’id oo ay jaaliyada Orromada ee ku nool Minnesota ay ku qabteen gudaha Maraykanka ayaa waxaa ay ku sheegeen in aan lagu xadgudbin dad ka Orromada ah ee ku sugan gudaha Somaliland islamarkaana ay xukuumada Somaliland si nidaam leh u mustaafuriso dadka sharci darada ku jooga Somaliland.

“dadku way qaxaan oo dhibaatay ka qaxeen ee Jaceyl ugama qaxaan dalkooda, dadkani waxay ku dhibaatoodeen dalkoodii markaasay galeen Somaliland, waxaa jirta dhibaato ay kala kulmayaan Somaliland, waa dhibaato xaga dawlada ka socota, Shacabka Somaliland waxa dhibey noo geystaan ma jiro, waanu isla korney, waanu is dhex degnay, waanu isku dhex nooleyn, dhintab hadaan la xalin waxaa laga yaabaa inay faafto, dhibta Hargeysa ka baxay inay meelo kale gaadhi karto waa in laga hortagaa, Somaliland waxaan leeyahay dhibta ay qaxootiga Orromada ee dhex degan u geysanayaan waa in ay ka fikiraan” ayey tidhi Saamiya Cismaan oo ka mida guddida haga bulshada Orromada oo u warameysay Wariyaha BBCda ee Maraykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.

Geesta kale  Fanaan Mukhtaar Adeero oo kamida Qoomiyada Orromada oo ku nool dalka Maraykanka ayaa tilmaamay xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya bulshada Orramada Iyo Somaliland

“Somaliland sharci bay leedahay oo lama lihin waddankooda, haday rabaan inay celiyaan way celin karaan dadka, laakiin Somaliland iyo shacabkeedu waa inay ogaadaan Orramaday yaqaaneen inaanay aheyn kuwa hada joogta, waxaa naga dhaxeeya Ganacsi oo waxan ay daaraha ku dhisanayaan beerahooda kama soo baxaan, waxaanu leenahay ninka Somaliland sharci darada ku jooga iska saaraa laakiin u naxariista dadka” ayuu yidhi  Fanaanka Mukhtaar Adeero.

Xukuumada Somaliland ayaa mustaafurisay Boqolaal qof oo Orromo sharci  daro ku joogey Somaliland  todobaadkii u dambeeyay iyadoo sheegtay in Somaliland loo ogolyahay inuu ka shaqeysto ama joogo qof Sita baasaaboor sharciya.

 

 

COMMENTS
LINKS