“Haddii Cidi ka Biyo Diido Xaq Bay U Leedahay “.Badhasaabka gabiley . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Haddii Cidi ka Biyo Diido Xaq Bay U Leedahay “.Badhasaabka gabiley .
January 17, 2016 - Written by Editor:

Badhasaabka gobolka gabiley oo ka jawaabaya warar laga faafiyay ayaa barta uu ku leeyahay facebookga wuxu soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo wararka laga faafiyay iyo xisbiga kulmiye wuxu u dhignaa sidan;

Waxa aan aad ula yaabay sida qaar ka mid ah websityadu ay kufsiga ugu hayaan mihnada saxaafada ee ay isugu walaaqayaan warka (news) oo ah dhacdo (event) iyo faalada (editorail) oo ah laba kala madaxbanaan, taasi oo weriyaha ama warbaahinta isku badhaxda ay muujinayso jaahilnimada ka haysata aqoonta saxaafada.

Tusaale ahaan waxaa maalin dhawayd aanu xadhiga ka jaray huteel cusub oo uu ganacsade Faysal Kaamil ka hirgeliyay degmadaasi,iyadoo ay degmada iiga sii horeeyeen wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiir ku xigeenka qorsheynta Cabdi Wadaad, Fanaanada caanka ah ee Qadra Daahir, wasiir xugeenkii hore ee Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, kuwaasi oo nala joogay kolkii uu Wasiir Cukuse xadhiga ka jarayay hoteelka, inkastoo ay habeenimadii dib uga noqdeen Wajaale Xildhaanada kala ah Cabdiraxmaan Dheere iyo Kijaandhe., waxaa aan la yaabay websitka wajaalenews oo kala garan waayay warka iyo faalada oo ka dhigay hotelka ganacsaduhu lee yahay xafiis loo furay qolada ay qaarkood weli sii sheegtaan Isbahaysiga Kulmiye,halka qaarna ay dib ugu guureen murashaxa Xisbiga KULMIYE ee Muuse Biixi Cabdi, qaar kalena ay diyaar yihiin ogaalkay wada hadal iyo is qancin , inkastoo uu websidku meel kaga dhacay muwaadinka ganacsadaha ah oo uu meheradaa dhan ku sheegay xafiis koox siyaasadeed wax tirsatay, waxa cadaan ah in ujeedada warka iyo faalada isku badhxani uu ahaa in aniga laygu sheego isbahaysiga, laakiin waxaan saaxiibadayda lee yahay maahi nin qarsada mabda’iisa siyaasiga ah, marnaba maan taageerin koox KULMIYE ka mid ah, Kulmiye waa ka uu hogaamiyo Muuse Biixi Murashaxana u yahay, haddii cidi ka biyo diidana xaq bay u lee dahay inta ay Xisbiga dhexdiisa ka filayso isu joojin, haddiise ay meel kale u socdaan xisbigu waa kaa.

Anigay timi markii horeba kama mid ahayn golaha dhexe, balse aniga iyo inta aanu isku mabda’a nahayba waxa aanu taageersanayn murashaxa la doortay.

Ku Farax ama ka nax, waxana aan aaminsanahay in websitka ay isticmaaleen qaar aanu xaga siyaasada ku kala aragti duwanahay oonu inta badan wada joogo.

BADHASAABKA GABILEY MUSTAFE CABDI SHIINE

COMMENTS
LINKS