Gudoomiye Ku xigeenka Kulmiye oo safar Kadis ah ku Tagay Magaalada Burco Waxyabaaha Uu Daraan yahay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Ku xigeenka Kulmiye oo safar Kadis ah ku Tagay Magaalada Burco Waxyabaaha Uu Daraan yahay,
January 23, 2016 - Written by Editor:

Gudoomiye ku xigaanka Xisbi Xaakimka Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa xalay safar kadis ah ku yimi Magaalada Burco  ee xarunta Gobolka Togdheer isla markaana kusoo degay Hotel Plasa ee Magaalada Burco oo ku sugnaa Gudoomiyaha Xisbiga wadani Mudane C/raxamaan Ciro oo isla shalay galab safar uu ku soo maray Degaanada Gobolka Togdheer ka soo hoyday,safarka Gudoomiye ku xigaanka kulmiye  ayaa xalay dadwaynaha reer Burco ku sifeeyeen inuu ahaa cadho ka kacday kormeer uu Gudoomiyaha xisbiga wadani kusoomaray degaanada uu kasoo jeedo Mudane kaahin kuwaasi oo laga xusi karo degaanada Balidhiig iyo Shansha cade oo aad looga soo dhaweeyay Gudoomiye ciro isla markaana looga balan qaaday in codka ay siin doonaan Xisbiga wadani,Wararka aanu ka helayno Safarka Kudoomiye ku xigeenka Kulmiye ayaa sheegaya inuu ku yimi kulan Hbeen hore ku dhexmaraya Mgaalada hargaysa Madaxda Xisbiga kulmiye iyo Qaar ka mid ah Taggeeryaasha kulmiye oo ka dhacay Magaalada hargaysa halkaasna laysku canaantay sida Loogu soo dhaweeyay degaanada bariga Burco Gudoomiye Ciro,waxaanay wararku sheegayaan in taasi keentay uu Gudoomiye ku xigaanka Kulmiye usoo baqoolo Dhinaca Burco si uu uga daba tago safarka Ciro ku gaal bixiyay degaanada Gobolka Togdheer,taasi markii hore seegtay weftigii uu hogaaminaayay Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Musse Biixi Cabdi  iyo Gudoomiye ku xigaanka Kulmiye maxamed Kaahin oo iyagu kasoo noqday Degmada Qoryaale taasi oo ay dadwaynaha reer Togdheer ku tilmaameen il duuf siyaasadeed oo uu ka faa,iidaystay Gudoomiyaha wadani isla markaana ay ilduufeen Kulmiye tahlina waayay inuu si hagar La,aana usoo maraan Gobolka ay codka ka doonayaan.

Isku soo wada duuboo safarka Gudoomiye ku xigaanka Kulmiye ayaa Noqonayaa Hinaase ka kacay Kormeerkii Gudoomiye Ciro.

 

Ali Jamac  Fsrax

COMMENTS
LINKS