Guddoomiye Cirro Oo Caasimada Dalka UK Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Cirro Oo Caasimada Dalka UK Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey
January 1, 2016 - Written by Editor:

UK(Wajaalenews) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo safar shaqo ugu baxay qaar kamid ah wadamada ku yaala Qaarada Yurub, ayaa maanta waxa sii diiran loogu soo dhaweeyey Magaalo Madaxda Dalka UK ee London ,halkaas oo uu guddoomiye  Cirro markii uu soo gaadhay garoonka diyaarada caalamiga ah ee Heathrow Arbor   kala kulmay soo dhaweyn baaxadle.

SOO DHAWAYNTII CIRRO 2 SOO DHAWAYNTII CIRRO

Guddoomiye Cirro ayaa markii uu ka soo degay gegida diyaarada  London, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dad weyne aad u tirobadan oo sitay asataamaha gaarka ah xisbiga WADDANI iyo calanka jamhuuriyada Somaliland,kuwaas oo ay horkacayeen masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee dalka ingiriiska iyo weliba xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland uu kamid ahaa  xildhibaan c/raxmaan xoog.

Md. C/raxmaan Cirro oo ka dareenceliyey soo dhaweynta balaadhan ee uu kala kullmay magaalada London, ayaa halkaasi ka jeediye erayo uu ugu mahadnaqayo  dadkii ka qaybqaatay soo dhaweyntiisa iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee dalka UK,Iyo weliba xildhibaanada ka qayb-qaatay soo dhaweyntiisa

Dhanka kale Guddoomiye Cirro ayaa  la  sheegay inta uu ku sugan yahay dalka UK  inuu la kulmidoono masuuliyiinta ka tirsan dowlada UK.

 

 

COMMENTS
LINKS