fadeexadaha Maamul Ee Dulhogonaya Wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland Oo Isku Badashay Wasaarad Beelaysan Iyo Magacyada 14 Masuul Oo Isku Qoys Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
fadeexadaha Maamul Ee Dulhogonaya Wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland Oo Isku Badashay Wasaarad Beelaysan Iyo Magacyada 14 Masuul Oo Isku Qoys Ah.
January 20, 2016 - Written by Editor:

GUDAHA KA AKHRI: Warbixin Diirrada Saaraysa Qaab-dhismeeka Wasaaradda Biyaha Somaliland Oo Isu Beddeshay Hay’ad Beellaysan Oo Agaasimaheeda guud Dembaabo QAYBTII LABAAD,

biyaha 3

Xogaha aan ka helay fadeexadaha ku Gadaaman Wasaarada biyaha ayaa Daaha ka fayday in Agaasime Cabdirasaaq oo ay isku hayb yihiin madaxwayne siilaanyo uu yahay masuulka ugu awooda badan sidoo kale uu taageero buuxda  ka haysto Qasriga madaxtooyada oo sida xogahani xuseen sheegay in wasiirka u hogaansami waaya qorshaha Agaasimuhu ii si fudud ku waayi doono xilkiisa.

Haddaba, Waxaa Qormadeenan  labaad ayaynu kusoo bandhigi doonaa Magacyada  masuuliyiinta isku taxan iyo mansabyada aanay cidi tarraxin ee ay wasaaraddani ka kooban tahay, kuwaas oo wadar ahaan noqonaya 14 Mas’uul oo aanayhaba yaraatee

AKHRI MAGACYADA  ISKU HAYBTA AH OO ISKUGU JIRA MIN AGAASIME GUUD IYO AGAASIMO WAAXEEDYO.

1;Cabdirasaaq Jaamac Nuur. Agaasimaha Guud Ee Wasaarada biyaha, Beesha Madaxwayne Siilaanyo

  1. Maxamed Cali Sugule Xisaabiyaha Guud Ee Wasaarada Biyaha . Beesha Madaxwayne Siilaanyo.

3; Maxamed Faarax  Madaxa Mashruuca SDF,Ee Wasaarada Biyaha. Beesha madaxwayne siilaanyo.

4;Axmed Xasan Madaxa Maamulka Lacagta SDF Ee Wasaarada Biyaha  Beesha madaxwayne siilaanyo.

  1. Ibraahim (kuji Cudcurka) Iskuduwaha Gobolka Saaxil Beesha Madaxwayne Siilaanyo’

LASOCO QORMADEENA DANBE IYO MAGACYADA  9 MASUUL OO KALE  ISKUNA HAYBA ISLA BEESHA  MADAXWAYNE SIILAANYONA  AH IYO DOORKA AGAASIMAHA GUUD.

 

 

COMMENTS
LINKS