|
|||||
WAJAALE NEWS
FADEEXAD CULUS;Xildhibaan Si Gurracan Uga Faa’iideystay Xasaannada Qaranku Siiyey, Gacantana Ku Fushaday Sharcigii Uu Mas’uulka Ka Ahaa.
January 15, 2016 - Written by Editor:Mudanehan Oo Ka Tirsan Golaha Wakiilladu Waxaa Uu Ku Dibiro-dhacsaday Askari Milicda U Xamilay Adeegga Bulshadiisa Oo Ka Gilgishay Ishaaro Uu Xildhibaanku Jiidhayxildhibaan askari ku gefay Hargeysa (w.n)- Waxa Xusid Mudan In Mudanahan Oo mushahar u qaat $2000 uu gacanta saaray Askari Qorraxda Taagan Oo mushahar u qaata wax ka yar $100 Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama)oo kamtirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa maalintii shalay dagaal gacan-ka-hadal ah ku qaaday askarti katirsan ciidamada nabadgeylada waddooyinka oo ku sugnaa goob ay uu ku xidhnaa agabka gaadiidka kala haga oo uu xildhibaanku uhoggaansami waayey. Xildhibaan Obama, ayaa abbaaro 11:00-kii duhurnimo ee shalay jiidhay ishaarada casaanka ee muujisa inaanay gaadiidku socon Karin mar uu kasoo baxay xarunta golaha wakiillada, isagoo sidoo kale gaadhigii uu watay jiidhsiin gaadhay askari taraafi ah oo ku sugnaa goobta uu deelqaaafka sharci ka sameeyey. Wariye katirsan Wargeyska Hubaal oo goob-joog ahaa xilliga arrintani dhacaysay, ayaa indhihiisa ku arkay baabuurka Mudanahan oo waddada ka gudbay xilli uu guluubka casi baxayey, waxana askarigii isku dayey inuu weydiiyo sababta uu sidaas u sameeyey uu kula kacay gacan ka hadal muuqda, isagoo markii dambena gaadhiga xoog ku dhaqaajiyey xilli uu askarigu hortiisa taagnaa, iyadoo Askarigiina baabuurka dhinac uga booday. Xildhibaanka, ayaa intaas kadib gaadhigiisa si xoog ah u kexeeyey, waxana askarigii dhibtu gaadhay qaaday oo ka daba geeyey gaadhi kale oo dirawalka saarani marag ka ahaa deelqaafka xildhibaanku sameeyey, iyadoo mudanaha gefayna lagu gaadhay barxadda hore ee ee Deeromall oo gaadhigiisa hor dhigtay. Askarigii dhibtu gaadhay, ayaa mar labaad dul tegay baabuurka xildhibaan Obama, waxase si degdeg ah daaqadda iska furay, isla-markaana dagaal cad askarigii ku bilaabay Xildhibaan Obama, waxana kala dhexgalay xildhibaan Qabille oo ay wada socdeen, iyadoo dadweyne tiro badan oo wariyaha Hubaal kamid yahayna ay goob joog ahaayeen. Xildhibaan Obama oo haatan guddoomiye u ah guddi-hoosaadka wakiillada ee la dagaallanka musuqa iyo dabagalka hantida qaranka, Ayaan goobta la imanin wax aan ahayn dagaal iyo inuu gacantiisa ula tago askarigii uu hore naftiisa halista u geliyey, waxana uu ku dhawaaqayey erayo ay ka muuqato inuu gacantiisa kalsooni ku qabo, isla-markaana aanu wax raalligelin ah ka bixinaynin gefka sharci ee uu sameeyey iyo waliba dhibaatada uu askariga qorraxda taagan kula kacay. Saraakiil sare oo ciidamada ilaalada waddooyinka ka tirsan, ayaa goobta yimi, waxana goobta laga kexeeyey askarigii dhibtu gaadhay iyadoo aanu xildhibaankuna wax raalligelin ah bixinin, waxana indhaha wariyahayagu qabteen xildhibaanka iyo saraakiisha ciidankaas katirsan oo ku faqaya dhinaca waqooyi ee Deeromall. Ma jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday Xildhibaanka kibirka iyo gefka caddaanka ah ee la wada arkayey kula kacay askriga qorraxda taagan,waxana mudanahani ku taxaashayaa xorriyad iyadoo aanay jirin wax dacwad ah oo xattaa laga geeyey xarunta taliska ciidamada Nabadgelyada waddooyinku. Waxa xusid mudan in mudanahan ku dibiro dhacsaday askariga iyo sharciga uu dejintiisa ku magacaaban yahayba uu bishii mushahar ahaan si nadiif ah u qaato lacag dhan $20000(laba kun oo dollar)marka laga tago gunnooyinka iyo lacagaha uu fadhiyada gaarka ah ku qaato, halka Askariga saacadaha badan dartii dabaysha iyo cadceedda u taagani u xaadiro wax ka yar $100(dollar)oo deelqaafkaas iyo kibirkaasi u dheer yahay. Masuuliyiinta ammaanka ayaa looga fadhiyaa inay baadhitaan qoto dheer ku sameeyaan qaladka uu mudanahani ka galay sharciga dalka iyo waliba askarigan muwaadinka ahba, waxana haddii taas la waayo dhici karta inay meesha ka baxdo daacadda iyo niyad wanaagga ciidamada nabadgelyada waddooyinku haatan ku shaqeeyaan. Related posts:War Deg Deg Ah Maayarka Magaalada Tog wajaale Oo Sifo Sharci Daro Ah Ku Xidhay Wariye Cabdiraxmaan... DAAWO ; Taliyaha Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Oo ka Hadlay Shil Sobobay Dhimashada 3 Qof Oo ka ... “Waxaan Kaaga Mahad Celinayaa Dadaalkii,Daacadnimadii Iyo Xilkasnimadii Aad Muujisay Mudadii Aad Xil... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|