Dhidarka Iyo Jiirkuba In Kastay Wax Dabayaan Aar Baa Dul Yuurura. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhidarka Iyo Jiirkuba In Kastay Wax Dabayaan Aar Baa Dul Yuurura.
January 30, 2016 - Written by Wariye:

Dhamaan fulinta iyo taageerayaasha xusbiga kulmiye ee ku kala sugan daafaha aduunka. Mudanayaal iyo marwooyinba

Gudoomiyaha Xusbiga kulmiye ee dalka holland
Khadar suleiman yusuf  ( xasancade ).

Dhamaan shacabka reer somaliland meelkasta oo ay aduunyada kaga sugan yihiinba waxaan leenahay salaama iyo nabad gelyo korkiina ha,ahaato.

Dhamaan fulinta iyo taageerayaasha xusbiga kulmiye ee ku kala sugan daafaha aduunka.
Mudanayaal iyo marwooyinba sidaa la wada socotaan xusbigeena kulmiye waa mid ku soo caanbaxay sinaan iyo hufnaan iyo wax qabad cad oo marqaati leh, waana midkay shacabka reer somaliland oo dhami ula bexeen danyar kaabe iyo Magacya kale oo badan oo ay ku cadaynayaan wax qabadkiisa.

Sidaas oo ay tahay inaga xusbi aan dhexdeena waxaa inoo yaala hawlo aad iyo aad

u fara badan oo loo baahan yahay inaan bulshadeena u qabano.

Waxaa hubaal ah oo aan ku kal soon ahay in xusbiga kulmiye ee aan ka tirsan ahay uu yahay mid gaadhsiindoona bulshada reer somaliland meeshii iyo taargedkii ay higsanayeen.

hadaba mudanayaal iyo marwooyin anigoo waxaas oo dhan og kuna kalsoon madaxdayda xusbiga iyo taageerashaba waxaa lagama maarmaan ah inaan markasta iyo meelkasta oo aynu kala joogno isku wacyi gelino sidaan talaabada aynu markaa ku soco uga sii badin lahay.

Inkastoo qori AK ah oo xabad kelyaale ah uu inagu soo dhacayo oo aad maqashaan sanqadhiisa mar mar  kaas oo ay sitaan qaar qaranimo somaliland kula sheeganayaa, hadana  ma mudna inaan dib u eegno waxaa kasii xun ta cadaowgu kusoo ridayo taas buuna xusbiga kulmiye mudnaanta siinayaa inuu shacabkiisa ka difaaco.

Sidaa awgeed waxaa laga codsanayaa dhamaan bulshada reer somaliland ee caqliga saliimka ah sdaxiibka u ah ku iyo taageerayasha xusbiga kulmiyeba inay indhaha u kala furaan si weyn iyagoo ka duulaya qaranimo sidaasaana  guusha lagu gaadhaa .

Waxaa kaloo aan jeclaa inaan in yar ka taabto ama bulshada u cadeeyo inaanay jirin jiridoonina wax la yidhaahdo laba garab oo kulmiye ihi kulmiye waa mid debed iyo gudaba waana hal cod iyo hal midab cidina waxba kama bedeli karto
qofkii doonayaa waa ka bixi karaa wuuna ku biiri karaa labadubana  waa xor fekerkooda, kulmiye bisaylkana wuu yaqaan ceedhiinkana wuu yaqaan.

Ugu danbayntii dardaarankeenu waa iskuduubnaan iyo midnimo, guud ahaan iyo gaar ahanba,
asomaliland guul iyo gobanimo.
by khadar

COMMENTS
LINKS