Dhacdo Yaab leh:-Mar kale Iyo Magaalada Burco oo Xalay Nin Dad Qal ahi Ku CUnay Neef Xoolo ah+ fashilka Maamulka Gobolka Togdheer iyo laamaha Amniga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdo Yaab leh:-Mar kale Iyo Magaalada Burco oo Xalay Nin Dad Qal ahi Ku CUnay Neef Xoolo ah+ fashilka Maamulka Gobolka Togdheer iyo laamaha Amniga
January 15, 2016 - Written by Editor:

Burco(Wajaalenews)-Waxa Habeenimadii Xalay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer gaar ahaana Xaafada Candlelight ka Dhacday Dhacdo layaableh kadib Markii Xaafadaasi lagu Cunay Neef Xoolo ah oo Sida la sheegay uu neefkaasi qashay Nin Qaba Xanuunka Juudaanka Ama (Dad-Qalka).

01(8).jpg 04(12).jpg

Maagalada Burco ayaa waxa maalmihii u danbeeyey Kasoo If-baxayay Dhacdooyin Isdaba Joogaa oo aan Hore Looga Arag Iyadoona Ay so baxeen Dad Qaba xanuunka Juudaanka ama Dad-qalka Kuwasi Waxyeelo Badan Oo Nafeed Gaystay, waxaana habeenimadii Xalay Neef Xoolo ah lagu Cunay Xaafada Candlelight-ka oo Udhaw suuqa Wayn ee magaalada Burco Iyadoona Neefka sida Sawirada Idiinka MUuqata laga Dalooliyay Xididka way nee halbawlaha ah eek u yaaala Luqunta isla Markaaana laga Jaqay Dhiiga.

Dhacdadan xalay ka dhacday magaalada Ayaa waxa ka Horeysay Dhacdo Iyaduna sidan oo kale oo Inan yar oo afar Jira lagyu cunay Tuulada wadhan oo u dhaw magaalada Burco iyadoona Lagu eedeyey inuu cunay Nin Itobiyaan ah oo ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Burco.

 

 

COMMENTS
LINKS