|
|||||
WAJAALE NEWS
Dekedda Berbera oo ay ku xaniban yihiin in ka badan afar boqol oo baabuur iyo ganacsatada Macradada oo cabasho ka muujiyey.
January 5, 2016 - Written by Wariye:Berbera(Wajaalenews) in ka badan afar boqol oo baabuur ayaa afartii maalmood ee ugu danbeeyey ku xaniban Dekeda Berbera kadib markii ay waayeen nambaradii baabuurta loogu dhajin lahaa marka ay cashuurtaan. dekeddaSidoo kale, waxa saaka ka soo cusboonaaday dekeda Berbera caqabad kale oo ka dhalatay cashuur lagu kordhiyey gaadiidka ka soo degaya dekedda, kuwaas oo ka badan baabuurta u xaniban nambar la’aanta. Labadan caqabadood ayaa Dekedda Berbera ka dhigay meel ay ka muuqato carqalado maamul xumo, kuwaas oo ay dhib badan ka muteen ganacsatada Macradada eel eh gaadiidka yaala Dekedda, iyagoo ku dhex dawakhay amarada cusub. Lama garanayo sababta ay gaadiidku ugu xaniban yihiin Nambarada, hase yeeshee ganacsatada ayaa sheegaya in khilaaf u dhaxeeya wasaaradda Hawlaha Guud iyo gaadiidka iyo shirkadda Nambarada samaysa. Cashuuraha la kordhiyey ayay dhawaan Golaha wakiiladdu diideen in lagu shaqeeyo kadib markii sanadkan lagu soo daray Miisaaniyadda cashuuro.
Wajaalenews-desk Related posts:Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Xukuumadda Cusub Ku Wareejinayn Wax Day... Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Warbixin Uu U Gudbiyay Golaha Ammaanka Kaga Hadlay Xiisadii S... DAAWO: Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 34.Aad Ee Golaha Wakiilada COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|