|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Sacuudiga Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay 47-qof Oo Ku Eedaysnaa Falal Argagixiso.
January 2, 2016 - Written by Editor:Riyaad(W,N)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta dil ku fulisay illaa 47 ruux oo lagu eedeeyay Argagixisinimo, iyadoo mid ka mid ah uu ahaa Wadaad Shiico ah oo lagu magacaabo Nimri Baaqir Al-Nimri. War laga sii daayay Telefishinka Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in 47 ruux ay qorsheynayeen falal argagixiso, waxaana 45 ka mid ah ay u dhasheen Sacuudiga, halka labada kale ay u kala dhasheen dalalka Chad iyo Masar. Sheekh Nimri Baaqir Al-Nimri oo ahaa wadaad shiico ah ayaa sanadkii 2012 cambaareyn u jeediyay dowladda Boqortooyada Sacuudiga, isagoo ku baaqay in doorashooyin ka dhacaan, waxaana dowladda ku eedeysay inuu argagixiso ahaa. Sidoo kale ragga la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Wadaad Sunni ahaa oo lagu magacaabo Fares Shuwel oo isna u xirnaa falal la xiriiray Argagixisonimo. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in dhamaan dadkan lagu helay dambi argagixiso ah. Dilkan wadaadkan ayaa durbaba waxaa ka dhashay banaan bax looga soo horjeedo oo ay dhigayeen dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada. Dowladda Iiraan oo ay iska soo horjeedaan Sacuudiga ayaa sheegtay in dilkaas ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto Boqortooyada Sacuudiga Carabiya Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|