Dawladda Ingiriiska oo ka Hadashay Xukunnada Qisaasta ah Ee la fuliyey Iyo Mowqifka Somaliland Hore uga Bixisay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Ingiriiska oo ka Hadashay Xukunnada Qisaasta ah Ee la fuliyey Iyo Mowqifka Somaliland Hore uga Bixisay
January 14, 2016 - Written by Editor:

London (Wajaalenews)- Xukuumadda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaaday inay ka niyad-jabeen Dilalka Qisaasta ah ee Somaliland fulisay toddobaadkan, isla markaana hoosta ka xariiqay inay gebi ahaanba ka soo horjeedaan xukunka dilalka.

Warka-Ingiriiiska

warka IngiriiiskaHadalkan Xukuumadda Ingiriiska oo ku soo beegmaya maalmo dabadeed markii xukuno dilal lagu fuliyey afar qof oo hore dilal ugu geystay marxuumiin kala duwan, ayaa Joyce Anelay, oo Raysal-wasaaraha Ingiriiska u qaabilsan ka hortagga dembiyada haweenka sheegay inay ka niyad-jabeen.

Haweenaydan Miss Anelay, oo wasiiru-dawle Arrimaha Dibedda Ingiriiska ah ayaa fariin ay ku baahisay barteeda Twitter ku sheegtay in Ingiriisku gebi ahaanba ka soo horjeedo Xukunnada dilalka.

Sidoo kale, qoraal Midowga Yurub soo saaray Shalay ayaa lagu sheegay inay gebi ahaanba ka soo horjeedaan Xukunada dilalka, qaab kastoo ay yihiin, kuna yihiin xad-gudub xuquuqda bani’aadamka.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay inay si weyn ula socdaan wararka xukuno 4 dil oo Somaliland fulisay 11 January, iyo sida Xukuumadda dib ugu bilowday xukunada dilalka.

“Midowga Yurub waxuu ku baaqayaa in la joojiyo dhamaan xukunada dilalka iyo fulintooda. Waxaan ku dedaalaynaa inaan kala shaqeyno gaadhitaanka joojinta gebi ahaanba xukunada dilalka.” Ayaa lagu yidhi, qoraal Midowga Yurub soo saaray Shalay.

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland, ayaa mowqifkeeda rasmiga ah ee ku waajahan fulinta xukunnada dilka sannadkii hore ugu sheegtay, inay ku dhaqmayso xeerarka caalamka, sida dastuurkeedu dhigayo.

Qoraalka Xukuumadda Somaliland kaga jawaabaysay dalabyo waddamo beesha caalamka iyo Midowga Yurub ugu soo jeediyeen joojinta gebi ahaanba xukunnada dilalka ayaa lagu sheegay inaan Somaliland weligeed baabi’in ama hakin fulinta xukunada dilalka ee xuduudaheeda, una leedahay xaqa dal madaxbanaan oo fulinaya doonista Shacabkeeda.

“Waa xilka Xukuumadda Somaliland ku dhaqanka iyo hirgelinta shuruucda dalka. Waan xushmaynaynaa taageerada Midowga Yurub iyo iskaashiga aan wadaagno, si weyna aan u soo dhoweynayno.” Ayay Xukuumadda Somaliland hore u sheegtay.

 

 

COMMENTS
LINKS