Dawlada Sacuudiga oo 48 Saac u Qabatay Bn Diplamaasiyiinta IRAN kaga baxaan Dalkooda Iyo Xaalada Labada Dal oo Meel Xun Maraysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Sacuudiga oo 48 Saac u Qabatay Bn Diplamaasiyiinta IRAN kaga baxaan Dalkooda Iyo Xaalada Labada Dal oo Meel Xun Maraysa
January 4, 2016 - Written by Editor:

Riyad (Wajaalenews)-Boqortooyada Sucuudiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay jartey dhamaan xidhiidhkii Diblomaasiyadeed ee ay la wadaageysay  dalka Iran, kadib weerar kooxo ka cadheysan dilkii wadaadka Shiicada ahaa ay ku qaadeen Safaaradda Sucuudiga ee Tehraan .

Boqortooyada Sacuudigu waxaa ay Duplamaasiyiinta IRAN u qanbteen inay dalka kaga baxaan 48 saac maadaama ay dawlada Iran ay Gubtay Safaarada dawlada Sacuudigu ku laheyd magaalada Tehran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga Caadil al-Jubeir ayaa gelinki danbe ee Axadda sheegay in ay weydiisteen Diblomaasiyiinta Iran in ay Boqortooyada Sucuudiga kaga baxaan 48 saac gudahood.

Caadil al-Jubeir ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan shaqaalihii Safaaradda Sucuudiga ee Tehran laga soo badbaadiyey Tehraan. Diyaarad sidey diblomaasiyiintii Sucuudiga ayaa fiidnimadii Axadda ku degtey garoonka diyaaradaha ee Dubai, waxaana ay isla habeenkii xalay usoo  duuleen Boqortooyada Sucuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegay in subaxnimadii Axadda markii la weeraray Safaaradda ay gargaar u dirsadeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, laakiin dalabkooda oo saddex jeer ahaa waxba laga qaban waayay oo dhegaha  laga fureystey.

Weerarka safaaradda ayuu ku tilmaamey Gardaro waxaanu  yidhi “ Iran waxay taariikh iyo caado u leedahay  Ku xadgudubka Ergooyinka Diblomaasiyadeed ” waxaana uu tixraac u soo qaatey Safaaraddii Maraykanka ee Tehran sanadkii 1979 iyo Safaaraddii Britain sanadkii 2011.

Gardarooyinka ka dhanka diblomasiyadda iyo ergooyinka waxay xadgudub ku thay dhamaan heshiisyada caalamiga ah, ayuu yidhi  Caadil al-Jubeir, waxaana uu Iran ku tilmaamey dal khatar ku ah xasiloonida gobolka.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey Iran in ay ka qaybqaateen weerarka isla markaana safaaradda laga qaatey dokumentiyadii iyo kombuyuutaradii.

Maalintii Sabtida Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga ayaa ku dhawaaqey in dil lagu fuliyey 47 qof oo ku eedeysnaa Argagixiso iyo khal-khal  ay geliyaan Boqortooyada, waxaa kamid ahaa 4 qof oo mad-habta Shiicada haysta kuwaas oo uu ka mid ahaa wadaad lagu magacaabo Nimr, kaas oo sanadkii 2011 ku baaqey in Bariga Sucuudiga laga gooyo Boqortooyada oo kacdoon la sameeyo xilli ay socdeen kacdoonadii Carabta ka dhacay.

Wadaadka ugu sareeya Shiicada  IRAN ee Ayatullah Ali Khumeyni ayaa maalintii shalay Sucuudiga uga digey cawaaqib xumada ka dhalan karta wadaadka Shiiciga ah ee ay dileen, waxaana uu yidhi aargudasho rabbaani ah ayaa sugeysa,

Madaxweynaha IRAN Xassan Rooxaani ayaa maalintii Axadda ku dhawaaqey in la soo qabto kuwii ka danbeeyey in ay safaaradda gubaan oo u dhacaan, waxaana uu canbaareeyey dilkii wadaadka Shiiciga ahaa ee u dhashey dalka Sucuudiga.

Go’aanka Sucuudiga ayaa saameyn ku yeelan kara dedaalada nabadda ee dalka Suuriya oo Iran ay faraha kula jirto, sidoo kale waxa uu saameyn ku yeelan karaa wada hadalka Nukliyeerka ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, oo Sucuudigu ka soo horjeedo

COMMENTS
LINKS