DAAWO;Guddoomiyaha Ucid Ee Gobolka Saaxil Oo Ka Digtay Xiisad U Dhexaysa Shaqaalaha Haamaha Berbera iyo Ganacsatada Xukumaddu Ku Wareejisay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Guddoomiyaha Ucid Ee Gobolka Saaxil Oo Ka Digtay Xiisad U Dhexaysa Shaqaalaha Haamaha Berbera iyo Ganacsatada Xukumaddu Ku Wareejisay
January 6, 2016 - Written by Editor:

Berbera(Wajaalenews) – Guddoomiyaha xisbiga Ucid ee gobolka Saaxil, ayaa Ka digtay rabshado ay sameeyaan shaqaalihii haamaha shidaalka Berbera ee xukumaddu wareejisay. Rooda Axmed Yaasiin waxay sheegtay in shaqaalaha lagu soo rogay sharciyo adag, sidoo kalena la kala qaybiyay.

Waxay Marwo Rooda sheegtay inay jirto xiisad u dhexaysa shaqaalaha Haamaha iyo ganacsatada la wareegtay. Waxay sidoo kale tilmaantay inay dhibaato keenayso haddii tacadiga ay tirsanayaan wax laga qaban waayo, islamarkaana ay muddaharaad dhigi karaan.

 

COMMENTS
LINKS