|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO: Qaabkii Uu U Dhacay Weerarkii Xalay Ee Xeebta Liido Iyo Dhimashada Oo Kor U Dhaaftay 25qof. Maxayse Ka Yidhi Xukuumada Somaliya.
January 22, 2016 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N) Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in la soo Af-jaray Howl-galkii Xeebta LIIDO, halkaasoo ay xalay weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab. https://youtu.be/QTAG7VUnZRg Howlgalka oo socday muddo 10-saac ah, ayaa waxaa ku dhintay 25-ruux oo ay afar ka mid ah yihiin xoogagii weerarka ku qaaday baar Liido Sea Food, iyadoo saddex mid ah dadkan ay dhaawac ahaan ugu geeriyoodeen isbitaalka Madiina. Wasiirka Amniga Qaranka ayaa xusay in la qabtay ruuxii hogaaminayay weerarradaas soo abaabulay, iyaoo sidoo kalena ay hay’adda nabadsugiddu Qaranka ku sheegtay warbixin ay soo saartay in hoggaamiyaha weerarkaas la qabtay. “Kooxo hubeysan oo lagu qiyaasay lix illaa siddeed qof ayaa weerarkan geystay. Runtiina waxaa jiray khaladaad dhanka ganacsatada ah oo ay ahayd inay meelahaas oo kale wax ka qabtaan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga oo VOA-da la hadlayay. Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in weerarka uu muddo dheer qaatay ayna ku guuleysteen ugu dambeyn lasoo afjaro, wuxuuna xusay in kooxaha weerarka geystay ay ahaayeen kuwo lugeynaya oo aan doomo ku imaan xeebta.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|