DAAWO; Ciidanka Booliska Ee Magaalada Burco Oo Faahfaahiyay Dhacdo Naxdin Leh Oo Duleedka Burco Ka Dhacday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Ciidanka Booliska Ee Magaalada Burco Oo Faahfaahiyay Dhacdo Naxdin Leh Oo Duleedka Burco Ka Dhacday
January 11, 2016 - Written by Editor:

Burco(Wajaalenews) Ciidanka Booliska Gobalka Togdheer ayaa Habenkii Xalay ahaa Gacanta ku Dhigay Nin Dhalasho ahaan ka soo Jeeda Wadanka Ethiopia Gaar ahaan Qowmiyadda Oromada  Oo isla Xalay Maqribkii inan  Yar Oo Lagu Magacabo Xamda  Ku Qashay Degaanka Wadhan Oo ah Agagarka Magalada Burco isla markaasna waxa la sheegay in inanta yar Ee Uu Qashay Ninkani Lagu War Helay iyadoo Mayd ah isla mar ahaanta gabi ahaanba uu Dhigii ka Jaqay Ninkani.

Inantani Yar Ee Habeenkii Xalay ahaa Lagu Qashay Degaanka Wadhan ayaa Waxa Saaka Subixii Hore la Keenay Maydka inantani yar Cisbitaalka wayn ee magalada burco halka sidoo kalana Ninkani Dad Qalka ah Uu Wakhti Xaadirkani ku Xidhan Yahay Xabsiga Dhexe Burco.

Taliyaha Ciidanka Booliska Togdheer Axmed Maxamuud Guutale oo maanta bahda warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa sheegay in ninkani dad qalka ah ee ka soo jeeda wadanka Ethiopia sida ugu dhakhsaha badanle loo hor keeni doono maxkamada.

 

 

COMMENTS
LINKS